Articles, Islam, News

Soomaliya iyo shiicaynta Qeeybtii 1-aad (W/Q: Sheekh Xasan Yuusuf)

Asalamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuh, waxaan qor madaan iyo kuw kaloo ku xigi doonah, ku soo ban dhigi doonaah, haduu Eebbe idmoh, xogo badan oo ku aadan shiicaynta somalida iyo wakiiladooda Somalida u qaabilsan.

Akhriste waxaad la socotaah, in waa yadaan danbe somaliya loo soo waariday, fakar kale oo cusub, oo ah mid kaba sii xun kii horay loogu bur buriyay wadan keenna somaliya,

Fakarka shiicayntu wuxuu umada somaliyed kusoo dhex siqayay 10kii sano oo u dambaysay, waxaana fikirkaan markii ugu horaysay giyiga somalidu dagtoh, ka aqbalay laba nin oo soomalida ethiopia ah, sadex nin ayaa safarada Iraan ee ethiopia tagtay, iyaga oo markaas danaynayay inay helaan taageero laga taageeroh, wahabiyada oo markaas fara ba’an ku haysay dawlad deeganka somalida ee kililka 5aad,

Kadib waxay safaarada Iran ee magalada adis ababa, soo dhawayn kadib bilawday xod xodasho iyo ka dhaadhicin inay qaataan fikirka shiiciga ee ay ku magacaaban, “mad habka Ahlu baytka” waxaana laga balan qaaday in taageero lixaad leh la siin doonoh, mid kamidah sadexdii wadaad ee safarada tagay wuu ka biyo diiday shiicanimada, waana ku gacan sayray.

Labdii wadaad ee awal ahlusunaha ahaa waxay ku qanceen inay fikir kaas qaataan, iyaga oo laga qaaday kiibah min 2,000 oo bir oo lacagta ethiopia ah, oo lagu magacabay, registration fee, kadibna dib loo siiyay kiibah, 100,000 oo lacagta birka ethiopia ah, si ay u bilaabaan, faafinta fikirka shiicada, waxay isla markiibah, si toosah u bilabeen ol olahooda shiicaynta,

Waxayna duuf sadeen dhalinyara awal ka tirsanayd ahlusunnaha, gaar ahaan qayb kamidah kuwa aan xer cilmiyeedka ahayn oo iska mawlacya jooga ahaa’ maadaama ay labadaan wadaad ka tirsanayeen, awal culumada ahlusunah ee deegaanka.

Waxayna ol olohooda aas aas, uga dhigteen sadex qodob oo kala ah:

1: Ladagaalanka wahaabiyada: oo dadka deegaanku aad u nebcaayeen.

2: Jacaylka ahlu baytka rasuulka scw: oo ay somalidu aad u jecel yihiin, maadama mad habka ashcariga iyo mad habka shaaficigubah yahiin, madaahib sida ugu sax san u qadariyah ahlu baytka rasuulka scw.

3: Qabyaalad!: iyaga oo dhalin yaradii u isticmaalay inay ku diraan culumada somaliyeed inteeda kale oo dhagaha ugu shubay in dariiqo ahaan iyo qabiil ahaanba cadaw loo yahay, waana isla dariiqii ay wahabiyadu u isticmaali jireen, meel marinta fikir kooda guracan.

Qormada koowaad ee wax ka iftiiminta shiicaynta somaliya, intaas ayaan maanta ku joojinaynaah, u dhugma lahaada qormada ku xigtah ee aan arimo badan kaga faalloon doonnoh insha allah.

La Soco Qeeybta Labaad Insha allah 

Sheekh Xasan Yuusuf