digg icon delicious icon

Taariikhda Hoggaamiyihii dalka Liibiya Marxuum Mucamr Qaddafi

October 22, 2011   //     //   Articles, News

Waxan halkan idin kugu soo gudbin doonaa Taariikhda Colonel Mucamar Al-Gaddafi oo kooban, tani markii uu galay ciidanka dalka Liibiya ilaa inta uu ka qabsaday xilka wadanka Liibiya isaga oo da’yar, waxad kaga bogan kartaa Qormadaani guud ahaan nolosha iyo siyaasadaha kala duwan ee uu noloshiisa soo qaatay Mucamar al-qadaafi

Mucammar Muxammad Abu Minyar al-Gaddafi oo loo yaqaan Colonel Gadaafi wuxuu ku dhashay magaalada Sirt ee dalka Libya 7 June 1942 waxaa uu ahaa nin isku kalsoon oo sida uu rabo u dhaqma.

Isla markii uu awoodda afganbi aan dhiig ku daadan kaga qabsaday Boqokii Idris, isagoo ahaa askari da’yar waxa uu iska fogeeyay Hantigoosadka iyo Shuucinimada.

Waxaa uu qaatay nidaam saddexaad sida uu markii danbe ku sheegay Islaam iyo Hantiwadaag isku jira, laakiin fikradiisaasi waxay qaadatay muddo in ay horuimar sameyso.
Tani waa sidii uu u arkayay hantiwadaagga, wareysigii ugu horeeyay ee uu bixiyo markii uu awoodda qabsaday 1969.
Tababrakiisa militeri Colonel Gadaafi waxa uu ka soo qaatay Britian,, fikradihiisa siyaasadeed ee ugu horeeyayna waxay ka yimaadeen Hogaamiyihiin Masar ee qaranimada carbeed, Jamaal Cabdinaasir, laakiin sanadihii ugu horeeyay Muamer gadaafi, waxa uu sheegay inuu fikrado casri ah wato.

Libya waxa ay leedahay shidaalka keyda ee ugu badan Africa, hogaamiyaheeda cusub waxa uu dakhligaasi ku sictimaala isbedelo gudaha iyo kacaano ka dhacay dibedda. Waxa uu marti geliyay xaruumo lagu tababaro, jahado mucaarad ku ahaa dalalka galbeedka Afrika, oo ay ku jireen kuwa qabqablayaashii dagaala Liberia, marklii danbe a madaxweyne Charles Taylor, kooxo hubeysan oo Falastiin (PLO) IRISh ( IRA) iyo Abu Nidal ayaa lacag iyo hub ka helay.

Waxaa uu beeniyay eedeeyen uga timid Israel iyo reer galbeedka.
1980 waxay ahayd markii uu xumaaday xiriirkii Col Qadaafi iyo reer galbeedka Margaret Thatcher ayaa ahayad Raiisul Wassaarihii Britain, Ronmald Reagon waxaa uu ahaa Madaxaweynihi Mareykanka oo mar ugu yeeray inuu Qadaafi yahay eey waalan.

1984 haweeney booliiska Britian ahayd Yvonne Fletcher ayaa lagu toogtay banaanka hore ee safaaradda Libya oo uu ka jiray banaanbax looga soo horjeeda Gaddaafi.
Laba sano kadib Mareykanku waxay ku eedeeyeen Libya inay ku lug lahayd bamkii kalaab lagu caweeyo oo ku yaallay galbeedka Berlin, oo ay caan ku ahaayeen askarta Mareykanka, waxaana taasi jawaab u ahayd in Mareykanku cirka ka duqeeyo Tripolo.

dadka lagu dilay weerarkaasi waxaa ka mid ahaa gabar uu soo korsaday Qadaafi.
Kadibna 1988 waxaa dhacay bamkii diyaaradii PAN AM ee ku dul burburtay Scotland oo ay ku dhinteen 270, waxaa xigay diyaarad Faransiiska oo ku dulburtay galbeddka Afrika.
Dowladda reer galbeedka waxay ku eedeeyeen Gadafi waxaana xigay cunaqabateyn iyo cadaadis diblomaasi.
Gudaha dalka waxay reer Libya u dulqaateen xukunkiisii adkaa, waxa uu saddex nuqul ka soo saaray buugiisii cagaarnaam oo Qadaafi kusoo bandhigay fikradda Jamaahriyi.

Waxa uu ka qeybgalay shirka carabta isaga oo ay dumar ilaalinayaan, markii uu isku dayay inuu dhiso carab mideysan oo isaga uu madax u yahay, waa suurtageli weysay, kadib waxa uu u leexday inuu sameeyo Afrika Midyesan, waxaa uu ku safri jiray baabuur badan, waxaana uu jeclaa inuu ku noolaado teendho.

Dhamaadkii 1990 waxaa uu bilaabay Qadaafi inuu ku soo laabto masraxa caalamka, waxa uu soo wareejiyay si maxkamad loo saaro dadkii loo heystay qaraxii lockerbi, 2003, waddamada reer galbeedka waxaa ay la yeesheen Libya wadahadalo qarsioodi ah, hogaamiyha Libya waxaa uu markaasi ka yaabiyay caalamka isaga oo xariga u jaray kooxihii mintidka ahaa, iyo inuu iska dhaafayo hubka qatarta ah.

Raiisul wasaarihii Britian, Tony Blair, ayaa Qadaafi uu ku soo dhaweeyay teendhadiisa, libyana waxay ku laabatay masraxa caalamka.

Dhawaan ayaa markii uu kacdoonkii carabta ay bilowdeen mar kale hogaamiyaha Libya wuxuu ka soo dhacay masraxii caalamka.
Qaraarkii qaramada Midoobay ee fasaxayay in la qaado tallaabo kasta oo suurtagal ah oo lagu badbaadinayo shacabka Libya ayaa Qadaafi waxaa uu beeniyay in dadkiisu ay isaga ka soo horjeedaan oo ay ku mudaaharaadayaan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa soo gabagaboobay in ka badan afartan sano oo waddanka uu madax ka ahaa Qadaafi

Ugu danbeyntii 20/10/2011 Mucamar Al-qadaafi waxa uu sababsaday gacanta kooxaha hubeysan ee ka dagaalama gudaha wadanka Liibiya iyaga oo in muddo ah haminaayay in ay mar qurah dilaan Qadaafi hayeeshee malinta Khamiista ay ku guuleesteen dilka Qadaafi

Readers Comments (0)