News

Taliska Booliska Gobolka Bari oo Gubay dhawr iyo Toban Jawaan oo Qaad ah,

Ciidamada amaanka Boosaaso ayaa kantaroolka laga soo galo magaalada ku gubay dhowr iyo toban jawaan oo qaad ah, qaadkaan ayaa ka yimid goboladda waqooyi iyadoo uu ku wajahnaa gudaha Magaaladda Boosaso, qaadkaan ayaa waxaa Gubay taliska booliska Gobolka bari,

Xiriir warbaahintu la samaysay Taliska Booliska Gobalka Barri ayaa sheegay in sifo aan sharci aheyn qaadkaan uga soo galay dhinaca Gobolada Waqooyi .isla markaasna taliska ciidanku ay gacanta ku soo dhigeen isla markaana la gubay, taliska booliska Gobolka bari ayaa uga digay cidii danbe oo sharci daro ku soo Galisaa laga qaadi doono talaabo sharci ah,