digg icon delicious icon

Taliska Ciidanka difaaca Puntland oo sheegay in ay ku Guulaysteen qorshayaal dadka lagu fahan siinayey amaanka iyo waxa uu

February 28, 2011   //     //   News

Taliyaha Guud ee ciidanka difaaca Puntland siciid Maxamed xirsi (siciid dheere) oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay xaruunta ciidamadaMeleteriga ee la yiraahdo konton iyo Afraad ayaa waxaa uu kaga hadlayxaalada amaanka ee deeganada Puntland.

Siciid waxaa uu sheegay in ay meelo badan oo ka Tirsan deeganada
Puntland ay ka jirtay amaan daro balaadhan balse la soo afjaray iyadoo la adeegsanayo Ciidamada amaanka iyo kuwa qalabka sida ee Puntland.

Siciid dheere ayaa shaaca ka qaaday in bilaabeen qorsheyaal kala duwanoo dadka ku fahan siinayeen amaanka iyo waxaa uu yahay iyo sidii looladagaalami lahaa dadka iyagu ku howlan amaan darida.

Meelaha ugu badan ee howlahaasi ka fuliyeen ayaa Taliyuhu waxaa uu sheegay in ay ka mid Tahay degmooyinka iyo Tuulooyinka ku yaala laamiga iyo kuwa dhulka howdka ah ka Tirsan.

Degmooyin dhowr ah oo hoostaga Sool iyo Nugaal ayaa Taliyuhu uu
sheegay in ay hatan ka socdaan qorshayaasha amaanka lagu adkeenayohalkaasi oo ay u direen ciidamo kuwa difaaca ah iyo laamaha maanka.

Taliye siciid dheere oo ay saxafiyiintu way diiyeen waxa uga
qorshaysan Fara gelin maamulka lama magac baxay somaliland ay ku haysomeelo ka Tirsan ayaa ku soo koobay in uu arintaasi horay uga hadlaymadaxweyne Faroole.

Arintaani ayaa noqonaysa markii ugu horaysay oo uu Taliye siciid
dheere qabto shir jaraa,id oo uu kaga hadlayo marxalado Taagan Tan iyoka soo labaashadii uu ka soo laabtay Gobolka bari iyo howl galadiiGalgala.

Abdirahman Moh’ed Haaji
All Burtinle- Garoowe
xiddigabari@gmail.com

Readers Comments (0)