Taliyaha Boliiska Mudug oo ka hadlay amaanka Gaalkacyo
January 31, 2012 // diyeeshe // NewsGaalkacyo (PV):-Gaashaanle Dhexe Jamac Axmad oo ah Taliyaha qeybta Boliiska G/mudug ayaa ka hadlay amaanka Magalada Galkacyo iyo hawlgaladii ugu danbeeyay ee ciidamadu ka sameeyeen Gobolka Mudug.
Gaashaanle Dhexe Jamac Axmad oo waraysi siiyay Radio Daljir oo kamida idaacadaha ka hawlgala magalada Galkacyo ayaa sheegay in ciidamada Policka gacanta ku soo dhigeen maleeshiyaad falal amaandaro ka gaystay gudaha magalada.
Askarta amaanka Gobolka ayuu sheegay Taliyuhu inay gacanta ku soo dhigeen maleeshiyaad baabuur ka dhacay gudaha magalada Gaalkacyo ee xarunta G/mudug, kuwaasoo badankood ciidamadu gacanta ku soo dhigeen
“burcad aan qabanay waa 9ruux, qaarkood waa lamaxkamadeeyay waxaana qaybkamida ka soo qabanay Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug”ayuu yiri Taliyaha.
Mar uu ka hadlayay amaanka Gaalkacyo ayuu sheegay inay magaalada u sameeyeen ciidamo gaara oo loogu talagay sugida amniga Galkacyo islamarkaana loo diyaarinayo dhawaan gawaari dheeraad ah oo ay ku howlgalaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamadu ku raadjoogaan kooxihii ka danbeeyay dilkii loo gaystay dhawaan Suldaan kamida salaadiinta somaliyeed.
Shacabka ayuu taliyugu ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka sugaya si ay howshooda u gutaan
Xafiiska Garoowe
puntlandvoice.com



