News

Taliyaha Booliska Degmada Xaafuun Oo Dilay Gudoomiye ku xigeenkii Degmadaas

Gudoomiye ku xigeenka degmada Xaafuun Maxamed Muse Bahaleey Ayaa Xili Danbe Oo Xalay Ku Geeriyoday Isbitaalka wayn ee magaalada Bosaso.

Marxuumka ayaa markii hore ku dhaawacmay rasaas uu furay taliyaha saldhiga degmada xaafuun, falka waxa uu ka dhacay gudaha degmada, intaas ka dibna waxaa isagoo dhaawac ah loola cararay isbitaal ku yaal Magaalada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ilo dadka deegaanka ayaa PuntlandVoice u sheegay in Taliyaha Booliska degmo xeebeedka Xaafuun ay is maan dhaafeen haweenay deeganka ah, taasi oo markii danbe dhagax la dhacday, rasaas ayuu furay taliyuhu ka dibna xabadihii ayaa madaxa ka haleeshay gudoomiyihii degmada Marxuum Bahaley AUN oo meesha aan sidaa kaga fogeyn.

Wasaarada Amniga Puntland ayaa iyana dhankeeda amartay in lasoo xiro taliyaha Booliska degmada Xaafuun ee gobolka Bari kaasoo rasaas uu furay uu ku geeriyooday Gudoomiye ku xigeenka degmada.