Taliyaha Daraawiishta Puntland ee Gobolka Mudug oo lagu weeraray qarax miino
January 31, 2011 // admin // NewsGaalkacyo (AB):-Wararka aan ka helayo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in qarax miino oo aad u xoogan maanta lagu weeraray baabuur uu la socday taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Gobolka Mudug maxamed Muuse Ilkacase.
Miinada oo qaraxday ayaa hadana uu ka badbaaday taliyihii dilkii lala maaganaa waxaana uu u waramay bahda warbaahinta isagoo sheegay in Alle uu ka badbaadshay qarax lala rabay in isaga lagu dilo.
Taliyaha waxaa uu sheegay in la soo qabtay kooxo lagu tuhusan yahay inay ka danbeeyeen miinadaasi oo ahayd nuca meelaha fog fog laga hago waxaana uu tilmaamay in baaritaano lagu sameyn doono.
“qaraxyada ka dhaca Gaalkacyo iyo meelaha kale waxaa wada kooxo ku gabanaya diinta Islaamka”ayuu yiri Taliyaha oo la hadlayay saxaafada qaraxa kadib
Qaraxy dhowr oo hore uga dhacay deegaanada Puntland ayaa lagu laayay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland kuwaasoo ka kala dhacay inta badan magaalooyinka waa weyn ee Puntland.
Gaalkacyo-Mudug
allburtinle.com



asalamu caleykum allburtinle,
waxaamahadleh alihii kabadbadiyey taliyaha daraawishta puntland ee gobolka mudug maxmed muuse iyo ragii lasocdey iyo dhaman umadii ka agdhaweeyd meeshas.
waxaa layaableh gobolka mudug maka duwanyahay meelahakale ee puntland mise waxaa dagan umad madax iyo shacab waxgarad, iyo dhalinyaro, kuli wada dayeeysan oon codlahayn oon awddlahaynoon waxba arkin waxna maqlin. see baa malin iyo hameeyn midnah loo qaban wayey qofna loo dili wayey qofnah. shacabku ma indholayahay? askartu wax maqabato miyaa? baldaya bosaso marki waxka dhacan cirka iyo dhulka ayaa gariira askar iyo shacaba maxaa iniku dhacay waxaad ku marmarsootaan galkacyo dowlad maleh waa beentiin ee hadaydan dowlad haysan kala noqda codkiina iskuna filaada. eeda dhan waxaa leh shacabka hadaydan kicin gar ahaan dumarka iyo caruurtu oo ayan midiyaha iyo dhagxuunta ku dagalamin wax daawaa lama gaari karo soo sheega khaa,inka soo qabta dhagarqabaha oo kaqca
wabilaahi towfiiq