News

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka oo Xilka Laga Qaadayo

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo kamid ah Baarlamanka Maamulka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamanka Maamulka Galmud  in laga hor istaago galida magaalada Cadaado.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle in arintaan uu sameeyay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Maamulka Galmudug islamarkaana uu soo amray Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen guuleed oo kasoo horjeeso xil ka qaadistii dhawaan laga sameeyay.

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle ayaa tilmaamay in Kulanka ugu horeeya a yeelan doonaan ay Su’aalo ku weydiin doonaan Guddiga amniga baarlamanka Galmudug islamarkaana laga shaqeyn doono sidii xilka loogu qaadi lahaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Maamulka Galmudug.