Articles

Talo Soomaali oo dhan ku aaddan!!!

Bismillah, Ku bilaabid Magaca Alle Naxariistaaga Naxariista badan:

Tolla’ay Soomaaliyeey!!! Tagoogtaad is jabiseen!!!

Intaan isku tabar leedihiin oo tagoogta iska jabinaysaan ayuu cadow idiin tashaday, oo haddii aad tashan weydeen waa la idiin tashaday!! halkaad taalliin arkooy shisheeye sheela duxa ma leh, haddii aad mooddeen inay dawlado shisheeye dal idiin dhisayaan oo dantiinna idiinka shaqaynayaan, geed dheer oo talo-xumo ah baad dushiisa fuushan tihiin warna ma haysaan, waxa maanta adduunka ka dhacayana wax ku qaadan maysaan. Idinkaa isku mashquulsan oo intaas xinkiinna iyo xumaantiinna xoolo iyo xoog ba ku bixiya, tolla’ye, maxaa Soomaaliga iga dhaliyey!!!

Idiinkoo isku diin iyo dhaqan ah oo dhalasho iyo dhalyo wadaaga, oo isku af ah oo isku midab ah oo ummaddaas ah madiga ah oo aadanaha kale ka duwan, haddii aad intaas isku dhawri weydeen oo arrintiinnu ka badan weyday Hawiye iyo Daarood is ximintooda iyo intii kale oo la kala safan, oo xooggiinnii halkaas ku dhumiseen yaa dal idiin dhisaya oo dawlad idinka dhigaya, ma shisheeye aydaan intaas oo dhan wadaagin ama wax dhifa aad wadaagtaan baa dal idiin dhisaya, oo reer hebel idiinka hiillinaya?

Dhammaan dawladaha ordaya maanta dhaqaale iyo danohooda bay wataan ee inay ina bad-baadiyaan ma rabaan, waxay doonayaan inay batroolkeenna iyo kalluunkeenna iyo macdeennta gurtaan, oo meelaha ay ka guranayaan oo keliya difaacdaan oo ilaalo xoog leh dhigtaan, innagana inaku mashquuliyaan Daarood iyo Hawiye iyo Ashabaab. Doonimayaan inay Ashabaab baabbi’iyaan maxaa yeelay hawl adag bay u hayaan, oo marka koowaad waxay baabbi’inayaan awooddeenna, waxayna inaku haynayaan argagax joogto ah, inta aan iyaga ku mashquul sannahay bay iyaguna guranayaan khayraadkeenna, waxayna mar walba ku haynayaan argagixisada ayaan idiinka hiilinaynnaa oo idinka difaacaynnaa oo qawda maqashii waxna ha u qaban bay arrintoodu ku kooban tahay.

Shabakadaha argagixisad ah waxaa sameeyey oo abuuray hay’adaha wardoonka ee reer galbeedka iyagoo doonayey inay ku ugaarsadaan asal raaca taladooda diiddan. Waxay u xilsaaraan niman jawaasiis ah oo ay iyagu samaysteen oo maal geliyeen, kuwaas oo hoosta ka abuura ururro argagixisa ah oo dhallinyarada diintooda u qiiraysan si khaldan wax ugu shuba oo ku abuura inay dadkooga laayaan iyagoo u tusaya inay riddoobeen oo gaalo raac yihiin, sidoo kalana meeshaas wixii laga soo maleego waxay digniin ka siiyaan wardoonka reer galbeedka, waxay kale oo gaaladu halkaas ku ugaarsataa asal raaca caalamka ee doonaya inay u hiilliyaan walaalahooda gaalada la diriraya oo moodaya inay yihiin dad wanaagsan oo diin u diriraya, kuwaas ay ka dhab tahay diintu inkastoo ay faham ahaan qalloocan yihiin haddana ay ka dhab tahay oo gaalada neceb kuwaas ayaa meeshaas lagu ugaarsadaa.

Ashabaab haddii ay rabaan inay laayaan wardoonka reer galbeedku waa u sahal laakin iska layn mayaan madaxda u shaqaynaysa oo danahooda ka shaqaynaya, waxay diliyaan oo ugaarsanayaan oo keliya qofafka ay is hayaan oo aan iyaga u shaqayn, waxaan u jaajuusaya kuwa u shaqeeya oo iyagu shabakadaha u abuuray una hoggaamiya.

Waxay doonayaan inay shabaabku dagaal joogta ah inaku hayaan oo ay nagu hubeeyaan, isla markaasna ay Amisom lacag joogto ah ku qaadato reer galbeedkuna ay dalkeenna iska gurtaan, dhinaca kalana ay shaqo inooka dhigaan Hawiye iyo Daarood xinkooda iyo xasaraddooda, oo ay dawladaha qaarba iska dhigaan inay Qaybtooda la safan yihiin. Xataa dawladu Muslim ah baa soo baxay oo CIA u shaqeeya oo iska dhiga inay dalalka Muslimka ah iyo dhaq-dhaqaaqa is baddal doonka ah taageersan yihiin laakin si hoose Maraykan ugu shaqaynaya. Kuwaas oo iska dhigaya inay qaarkeen la safan yihiin oo waligood ku dadaala inay maal geliyaan kooxo qabiil ama diin isku kaalmaystay oo ay sidaas ku soo saaraan dad ay lacag dul dhigeen oo hadhow danahooda u shaqeeya innagana inaku khasba oo dusha inooka keena.

Waxaan Soomaali kula talin lahaa tashada wallaahay baan ceelna idiin qodnayn cidina idiin maqnayn. Cilmi Wardheere iyo Ahmed Saagil waxay ahaayeen laba ammaanduule oo kala hoggaamin jiray beelaha Daaroodka iyo Hawiye oo ku dagaallimi
jiray muddo dheer gobollada dhexe iyo Mudug, goor aan Soomaali dawlad lahayn, labadaas hoggaamiye waxay markii dambe ku guulaysteen inay heshiis dhex dhigaan labadii beelood oo la is dhex galay oo la kala guursaday, muddo lixdan sano ah baan dagaal dhicin oo labadaas nin heshiiskii ay abuureen lagu liibaanay. Waxay ahaayeen dad axdi iyo qawl leh oo isku aamminay ballanta ay galeen oo oofiyey.

Maanta oo waagaas laga aqoon badan yahay xagga diineed iyo xag maaddiba waxaa lagu guulaysan waayey in heshiis la gaaray uu fulo oo la is aammino sababtoo ah, marka horeba ma jirin Soomaali intay iyadu tashatay iyadoo aan shisheeye ku dhex jirin shirtay oo go’aan gaartay. Waa ayaan darro inaan sirteenna ku aammino shisheeye aan la hubin inuu arxan inoo galayo oo dhoollaha inoo caddaynaya, waxaa ayaan darro ah inaan is aammini weynno oo Alle iyo axdi dhigan weynno, oo sidaas isku aammini weynno oo aan shisheeye aammino. Walaalkaa dalka iyo diinta aad wadaagtaan marka aad heshiin weydaan yaa arxan ka sugaysaan!!?

Waxaan filayaa inaan hadda talo faro inooku jirin, oo aynnaanba awoodin inaan meel isugu imaanno oo danaheenna gaarka ah ka tashanno maxaa yeelay waxaa ina horboodaya dad naloo sameeyey oo mid walba qolo gaar ahi ay wadato oo ay hoosta ka xiriiraan, isla markaasna lama oggola inaan heshiinno oo waa la inakala dhawrayaa, haddii aan sidaan ku sii soconno waxay u muuqataa inaan xammaalin iyo dhul xaaqyo u noqon doonno shirkadaha xoogga badan oo dalkeenna la keeni doono, maxaa yeelay ma awoodno inaan dawlad noqonno oo wax isku raacno, xooggeenna oo dhanna innagaa isu adeegsanaynna.

Dawladdeenna hadda la aqoonsaday oo Maraykanka iyo Hooyadiis Britain ay dabada ka wadaan oo isu muujinayaan inay cirka marinayaan waxaan filayaa markaan dhinaca dayrada ka maro- maxaa yeelay Soomaalidu waxay tiraahdaa shar u toog hay khayr wax kuma yeelee- inay doonayaan labadaas dawladood inay dhaqaala xumada maanta taagan fursad ay kaga baxaan ay helaan, oo madaxweynaha oo aan tabar haysan uu ku gor-gortami karo, lagu soo shubay inay garab istaagayaan oo maxaafisha adduunka oo dhan u furayaan sida muuqata isagana laga doonayo inuu shirkadahooda dalka gacanta u geliyo. Dabadeedna dawladdeennii la aqoonsaday baa shirkado xoog leh oo labadaas dal ah u fasaxaysa dalka oo dhan inay meeshii ay rabaanba shidaal ka qotaan faalugaan, iyo macaadinba, kaydkeenna qaranna la iska gurto ay ka mid yihiin dheeman, dahabka iyo Uriniumka oo ah kayd istraatiji maalintii aad awood yeelanno loo aayi lahaa, maamullada kale oo qaylinayana cidina qayladooda wax ka soo qaadi mayso, qofafka horboodaya baa digniin la siinayaa xoogaa dano ahna loo ballan qaadayaa, meelaha wax laga qodanayo dadka deggan oo dhulkoda la wasakhaynayana waxaa la siinayaa xoogaa dufan dawaco ah, shaqaalaha meelaha xaaqana waa loo qorayaa iyo adeegayaal cuntada u kariya.

Sidoo kale meelaha ay iyagu deggan yihiin bay ammaan ka dhigayaan sida Ciraaq dalka inta kalana sidii uu rabo ha ahaado, weliba waxay abuurayaan qalaalaase aan dhammaan maxaa yeelay waxay rabaan inaan la tashan oo laga sii jeedo, isla markaasna aan lala xisaabtamin shirkadahooda oo wixii ay la baxayaan aan cidina ogaan siiba macaadinta qaaliga ah iyo kuwa istraatiijiga ah. Ciraaq khayraadkeeda waa la dhuranayaa iyagana waxaa lagu mashquuliyey Shiico iyo Sunno iyo argagixiso, innagana waxaa shaqo inooku filan Hawiye Group action iyo Sahal group oo beelaha Daarood laga wado, iyo ashabaab. Sidaas inaan silic ugu jirno ayay doonayaan inta ay wexeenna ka maamulanayaan. SoomaaliLand awalba Ingiriiska ay amray lixdankii inay koonfur ku biirto si uu Soomaaliya oo dhan xuquuq ugu helo, haddana waxaan filayaa inuu sidii amar ku siinayo, haddii la rabana maamul hoose oo federal ka mid ah baa shaqo looga dhigayaa.

Haddaba maxaa inoo talo ah?

Anigu waxaan ku talin lahaa Madaxweynaha maanta jooga ayaa talo laga rabaa marka koowaad oo isagu ummadda isu keeni kara, waa haddii ay talo gacanta ugu jirto oo aysan jirin cid ajendeyaan kale leh oo dabada ka riixaysa oo aan khiyaar u oggolayn, madaxweynaha maanta jira inkastoo sidii loo doortay oo uu ku yimid uu xoogaa mugdi ahi ku jiro, haddana isagaa maanta haybaddii iyo sharaftii ummadda Soomaaliyeed sida oo ay tahay in lagu xurmeeyo; marka waxaa laga doonayaa inuu daacad ahaado oo Alle weyne oo birri la hor keenayo uu ka yaabo, oo ummadda masiirkeeda uu ka taliyo oo taariikh ka tago. Waa inuu muujiyaa inuu Soomaali u dhex yahay oo Daaroodka diday si la taaban karo ugu muujiyaa inuu madaxweynahoodii yahay, si loo aamminana waa inuu dhiirri geliyaa oo wax ka dhisaa maamullada gobollada ee Distuurka ay dhigteen ku qoran oo intii israaci karta oo is oggol haddii ay iyagu heshiiyaan oo si caddaalad ah wax u qaybsadaan ay dawladdiisu gacan siiso. Oo inta ummaddu iska aamminayso oo kala dambayntii soo noqonayso loo samraa kacaakufka jira.

Talada kalana waxay la gudboon tahay maamullada hoose oo Somaliland iyo Puntland ka mid yihiin waa inay ciidankooda ku wareejiyaan dawladda dhexe oo daraawiish iyo police samaystaan, si loo soo celiyo xooggii dalka Soomaaliyeed oo dalka difaaca lahaa, oo tabarta Qaranka la isugu geeyaa ciidan loo dhan yahay. Saraakiisha ciidanka hoggaamisa iyo askartana waa in ay Soomaali oo dhan ka koobnaadaan oo ay daacad u noqdaan Qaranka oo dhan. Qof kasta waa u furan tahay oo istaahila inuu ciidanka ku biiro. Dawladda federalka ah baana xaq u leh inay ciidanka ka soo qorato dhammaan degmooyinka iyo gobollada dalka iyadoo kaashanaysa dawladaha gobollada ka taliya.

Waxaan kula talinayaa dhammaan maamullada iyo qaybaha Soomaalida inay madaxweynaha hadda jira taageeraan oo isaga daba istaagaan oo awood siiyaan si uu awood u yeesho, oo shisheeyaha wax ula qaybsado, waa in isaga loo daayaa xiriirka caalamiga ah iyo arrimaha dibadda, difaaca Qaranka iyo lacagta, waa xilka dawladda dhexe taasi, isaguna waa inuu si daacadnimo ah ummadda ugu adeegaa oo wixii adduunka ka soo gaara u qaybiyaa, sidoo kalana jagooyinka iyo xilalka safaaradaha dibadda iyo maamullada dalka waa in loo sinnaadaa.

Ogaada haddii madaxweynaha aan kalsooni la siin oo intaas daba la haysto oo laga daba qaylinayo inuusan waxba qaban Karin uuna u nuglaan karo shisheeyaha danaha gaarka ah doonaya. Waa inaan aamminnaa oo Alle darti iyo axdiga u galay ku aamminnaa oo shux-shuxda iyo is kooxaysiga la iska daayaa. Baarlammaankuna waa inuu shaqadiisa si daacadnimo ah u qabsadaa oo uusan cid gaar ah u adeegin, iyadoo xaqiiqo ahaan aan filayo inuu Baarlammaanku u dhisan yahay si aan isu dheelli tirnayn oo dhinac u badan yahay, maxaa yeelay ma aha Baarlamaan laga soo doortay degmooyin la tira koobay oo meesha ku fadhiya saami la ogyahay.

Waxaan filayaa inay adag tahay maanta garuubyada Soomaali hor boodayaa inay wax is beddel ah keeni karaan maxaa yeelay waxay ku wada xiran yihiin meelo wax looga yeeriyo oo dalal shisheeye ku jiraan. Laakin waxaan ku talin lahaa inay Daarood iyo Hawiye wax-garadkooda duubabka iyo siyaasiyiinta iyo culimada ah ay fadhiga ka kacaan oo labadaan reer oo loo adeegsanayo kala jabinta Qaranka Soomaaliyeed heshiis run ah dhex dhigaan oo aan shisheeye ka soo qayb gelin ogaanna, oo lagu qabto meelaha magaalooyinka ka durugsan oo gobollada dhexe iyo koonfurtaba leh. Waa in la isu keenaa rag Cilmi Wardheere iyo Axmed Saagil oo kale ah oo labada reer ku kala hagoogta oo cudurkaan daaweeya. Waa in meel miyi ah teendhooyin laga dhistaa oo halkaas geel dhalay la keenaa iyo ari la qasho, oo caano iyo cad la cunaa goor aaran ah oo xooluhu dhaleen, geed la xaartay hoostiisna go’aan dhaqameed lagu gaaraa. Kuwa xuma ka taliska ah oo war baahinta ka hadla oo dadka wada-dhashay isku soofeeyana waa ina la afjigaa oo la aammusiyaa taladood ha ba’dee.

Ogaada inaan shisheeye sheela duxa lahayn, oo dal idiin dhisahayn, dawlad cudud lehna idiin dhisayn; waa in saraakiil loo diraa dalalka inoo hagar baxaya oo Masaarida iyo Suudaan ka mid yihiin oo la soo baraa dhammaan noocyada ciidammada, duuleyeyaal, taangiste, madaafiicda goobta, sancada, sahanka, danab iyo aqoon xirfadeed oo dhan, sidoo kalana waa in la diraa saraakiil xigeen xirfadaha goobta si fiican loo soo baro oo saraakiisha caawisa. Dabadeedna waa in lagu dadaalaa sidii hubkaas loo heli lahaa oo sannadka soo socda waa inaan dhammaan dawladda curdanka ah codkeenna ku taageernaa oo SomaliLand iyo Puntland ay taageeraan in xooggii dalka oo la wada dhistay la siiyo dhammaan hubka casriga ah ee dalkeenna lagu difaaci karo oo si buuxda cuna-qabataynta looga qaado. Iyadoo xoogga dalka Soomaaliyeed hiil iyo hooba la siinayo oo shacabku taageero la garab istaagayo

Allaha weyna oo awoodda leh waxaan ka baryayaa inuu ummaddaan wada dhalatay laabtooda isu sifeeyo oo burcad isu mariyo xiqdiga iyo xaasidnimadana ka mayro oo walaalo dhalashadooda, dhalyadooda iyo diintooda isugu danqada oo isugu hiiliya ka yeelo, oo ka yeelo kuwo aan shisheeye isu adeegsan oo cadowgooda isu kadin oo si caafimaad ah isu ciidansada oo cududdooda mideeya, oo maskaxdooda, maalkooda iyo muruqooda dalkooda ku dhista Aaaamiin Allow.

Alle weyne wuxuu suuradda Arracdi ku leeyahay:

“Alle duulna xaaladdiisa wax kama beddelo jeer ay iyagu xaaladdooda wax ka beddelaan, haddii Alle duul wax daran la maagana cidina kama celin karto, oo wax ka sokeeya oo away ah ma ay laha” Arracdi 11

“ Verily never will Allah change the condition of a people until they change what is in themselves, but when (once) Allah wills a people’s punishment, there can be no turning it back, not will they find, besides him any protector” Arra’di 11

Sheikh Mohamed Mohamud Abdi
Zambia, Saturday, May 04, 2013