Tartanka Horyaalka Baaskiilada Soomaaliya oo maanta lagu qabtay Muqdisho+SAWIRO
June 27, 2011 // admin // News, Sports




Muqdisho (AB):-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay tartanka horyaalka baaskiilada Soomaaliya kaasoo ay ku tartamayeen ciyaartoy Soomaaliyeed.
Tartaakaani waxaa soo qaban qaabiyayXiriirka Soomaaliyeed ee Baaskiilada,iyadoo ay goob ka ahaayeen Gudoomiyaha xiirka baaskiilada Soomaaliyeed C/qaadir Barow, Xoghaya Xiriirka Baaskiilada Soomaaliyeed Axmed Mxamed Xasan (Bircanjeero), Gudoomiye ku xigeenka gudiga Badbaadada isboortiga Soomaaliyeed Qaasim Salaad Geele (Dhag Naas), Cali Xamari iyo Gudoomiya Olymbikada degmada Xamar jajab Xabiib, waxeyna halkaasi ku bixiyeen abaamarino lacageed oo ay ku wareejiyeen ciyaartoydii kaalimaha hore ka gashay tartanka.
Tartanka galabta ka dhacay Muqdisho waxaa abaalmarnada la siiyay ciyaartoydii gashay sedexka kaalin ee ugu horeysay.
Kaalinta kowaad waxaa ku guuleystay Ciyaaryahan Axmed Cabdi Xasan halka kaalinta 2aadna uu galay Cali Muuse.
Tartanka maanta waxaa u soo daawasho tagay dad badan oo jecel daawashada ciyaaraha sida kan baaskiilka.
Maaha markii ugu horeysay uu Xiriirkaani qabto tartanka horyaalka baaskiilada Soomaaliyeed hore ayay u qabteen tartamo nuucaani oo kale ah kuwaasoo abaalmarino lagu baxshay sida kan maanta oo kale.
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com


