digg icon delicious icon

Tartanka Orodka dheer ee Dugsayada Muqdisho oo Dib u Bilowday Sadax Sanno ka dib+Sawirro

November 20, 2011   //     //   Sports

Muqdisho (AB):-Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Tartanka Orodka ee Iskuulada kuyaala magaalada Muqdisho, kaasi oo ay kasoo qeyb galeen Dugsiyo aad u farabadan.

Tartankaani ayaa ahaa mid horay loo qabanjiray hase ahaatee wixii ka dambeeyay dagaaladii Muqdisho aafeeyay ayaa waxa uu noqday mid dib u dhac balaaran uu ku yimaaday hase ahaatee haatan dib loo qabtay.

Hadaba Tartankaani ayaa waxa uu noqonayaa mid laqabtay xilligaan muddo seddex sano kadib iyadoona uu bilawday maalintii shalay ahayd, iyadoo tartanku ahaa orodka dheer ee 1,500 mitir

Tartanka oo aad u xiisa badnaa ayaa waxa uu ka dhacay garoonka Kubada Cagta ee Koonis oo ku yaala degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, iyadoona dadweyne ay usoo daawasho tageen.

Tartanka waxaa ku guuleestay kaalinta 1-aad Dugsiga hoose dhexe, Sare ee Muqdisho, waaxaanaa dugsiga u ordaayay wiil lagu magacaaabo Maxamed xasan Xuseen (Anaale)

Wiilkaani ayaa ah wiil ku guuleestay labo mar oradkani iyadoo guushaan ay u aheyd markisii sadaxaad ee uu ku guulesto tartankaani iyadoona xilligaan la’oran karo waa orod yahaynka ugu wanaagsan dugsiyada Muqdisho ku yaala.

Muqdisho-Somalia

Readers Comments (0)