Articles, Dhacdooyinka Puntland, News

waa Maanso Layaableh oo Lamagac Baxdey QISO 2 iyo Masakaxdii wanaafsanayd ee hooyo Safiyo Xaaji Aw Ahmed DHALKHAYR

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu, Salaanta islaamka kabacdi waxaan mahad wayn oo aan la koobi karayn u naqayaa
allaha wayn oo inoo sakhiray inaan ka faa,idaysano wakhtigeena iyo aaladaha casriga ahba. Mida xigtana waxaan ku sallinayaa Nabigeena
suuban ee Muxamed (NNKH), kadibna waxaan salaamayaa dhamaan bahda shaqaalaha shabakada Puntlandvoice.com iyo dhamaan soomaali
wayn meelkastoo ay joogaanba. Marka sadexaadna waxaan caawa jeclaystay inaan halkaan kusoo gudbiyo Maanso la yiraahdo “Qiso 2” midaa
oo ka mid ah silsilad Qaafleey ah oo aan ka tiriyay qiso dheer oo dhawr qaybood lahayd oo dhab ah oo dhacday taasoo ah gabar tahriibtay oo ka
hadlaysa wixii ay kala kulantay bada iyo barigii Yemen iyo Sucuudiga oo ay u boqooshay. Markii qaxa iyo qaranjabku ku dhacay Soomaali kadib
markii ay burburtay dawladii dhexe oo malateriga ahayd ee uu hogaaminayay Siyaas bare, Ka bogasho wacan tixdiina waa tan.

Qiso II
Qisaan kuu sheegayaaye!
Markuu qarankeenu dumay
Qoryaha ay gurubsadeenoo
Qabiilba qabiilka laayaye
Qasaaruhu intuu ku baahay
Qarbaanay dalkeena hooyo
Qudhgooyana laga ordaayey
Qayladu ay samada aaday
Qaxaayduna ay isgaadhay
Qof walibaa meel u rooray
Qamaamaye uu is qaadoo
Qardajeex uu naf mooday
Qof wayn ayadoon ahayn
Waliba qaangaarin heedhe
Qarashna aan aad u haysan
Qamar waa ay bareedhay!

Qoodaysayoo way lugaysay!
Quuriga bada bay abaartay
Qaybtii boosaaso gaadhay
Qawlaysatadii tahriibkiyo
Quudkoodu ahaa nafteena
Qaxootiga wada tabcaansan
Qardoofada ugu daraayey
Qoolkooda ayay ku duushay
Qoortana waatuu kaceejay
Qamar ay shilimadeediyo
Qolyihii beesada u dhiibtay
Waatii balan laysla qaatay
Qoraal yara loo saxiixay
Qacdii hore waabarkiisa
Intaan qoraxduba cadaanin
Qamoonada barriya kaalay
Waatii qalin loogu jiiday
Qoftii balantii adkaysay
Quuriga alaseey u roortay
Qabaankii huuri keenyay
Qalbacan oo laba alwaaxa!
Qabaalna usoo istaaji!!

Qaxootigii qaranka baas!
Qoomkii qardajeexu waalay
Qac dhehe oo qoomameeye
Qurgooyaad nagu wadaaniyo
Qofkee u badheedhi looxa
Qitaal weeyaan wixiinu
Hadeer qarashkii nasiiya!
Qawlkoodii kusoo dhameeye
Qabaankii baa xanaaqay!
Afkuu kala qaaday qaylo
Qaxooti warkayga hooya
Qofkii doonaa ha fuulo
Qabaalkiyo huurigayga
Midkii qarash doonayaana
Hadeer qaadiga ha aado!
Qareena hasoo samaysto!

Qaraar buu xaalku tagay!
Qisadu waa ay xun tahay
Qaadoo adiguun go,aan
Qalbiga kaashay tagtaye
Qaar baa beesana kuwaayay
Qarashkoodii la xoogay
Qabaalkana fuuli waayay
Quuriga bada looga jiitay
Qamar waa ay bareedhay!
Marqura uun bay ku booday
Qabaalkeedii dul fuushay
Qulqule oo waa socdeen

Qoomkiina dhagaysanaaya
Quruuntiinaan i daawan
Idinku qaadiga noqdoo
Qareenkana soo qabsada
Qaanuunka la kaashadoo
Dacwada aan soo qadimay!
Qofkee baad qalad iska leh?
Qabaanka miyaan xiraa?
Ma Qamar baan cayrinaa?
Ma qarankaan eeda saarnay?
Ma qorigaan eersanaa?
Qabiilka miyaan qubnaa?
Qofkee baa intaa dambi leh?
Qoortiisa silsilad surnaa?
Qudhiisana loo jaraa?

Qisadu waa bilow adeer!
Illaahay qaadir weeyoo
Qiyaamaa naga dambeeyee
Ileen qolodaas warkoodu
Qariya ama sheela maaha
Qiyaas uma baahna qaadi
Quruumaha dunida jooga
Sidii qoraxday u jeedeen
Qof waliba u daawanaayay

Qoftii qamar waa dhaqaaqday!
Qulqule oo waa socdeen
Markii qoraxdii qarsoontay
Badiiyoo aad qad moodo
Cirkiiyoon qamar lahayn
Qam ay iskusoo dheheen
Illaahay qaadir weeyoo
Qiyaamaa naga dambeeyee
Ayaa mawjadi dul qaaday
Qaloonbi hirkii bilaabay
Afarta qaldho kaga dilaanshay
Qar qarada biyo ka tuuray
Qabaalkiina uu daf siiyay
Qac waatay wada dheheen
Ilmada ay wada qubeen
Qalbigu uu wada dilaacay
Qarqaryadu wada haraysay
Qabrigu uusoo ataagay
Qof walibana uu isdhiibay

Qabaanku raguu ku daray!
Qaynuun baa jiray u yaal
Qoryayba lasoo baxeen’
Qadaadkay kala dheceen
Qaafiriyay qaybiyeen
Qofiyo qorof baa la siiyay
Qaylana waa ugu dareen
Qoqoba oo biyaha dhura
Quweeyoo xooga fura
Quboo yaan eray la oran
Qabaalkuna yuusan dagin
Qasab weeyaan sharciya
Qofkii diidana ogoow
Qudhaa laga goynayaa
Badana wuu quusayaa
Qolfoofkiisiyo jirkana
Libaax baan quud u siin
Qabsada danihiina hooy
Qawlkoodii kusoo afjare

Qaxootigii qaranka baas!
Qoomkii qardojeexu waalay
Qac dhehe oo qoomameeye
Qoqobe oo biyaha dhure
Quboo qarqarada ka ride
Illaah baa quwad iska leh
Hadana qaadiroo faxane
Qaryaa soo muuqatoo
Qabaalkii samata bixi
Qabaanku raguu ku daray!
Qaynuun baa jiray u yaal!
Qaraar bay soo rogeen
Intay qaylsheen dheheen
Qofkii Yemen doonayow
Quuriga waa inaad gashaa
Quustaayoo dabaalataa
Qabaalku wuu noqonayaa
Intaan askartii na qaban
Qaxootoow taa la soco

Qaraar buu xaalku tagay!
Qisadu waa ay xun tahay
Qaadoo adiguun go,aan
Qalbiga kaashay tagtaye
Maxaa Qamar lagu yiqiin?
Qof weeyaan geesiyada
Quraan bay magansatoo
Ducay qawlkii ku tiri
Illaahow qaadiroow
Quwada adigaa iska leh!
Intay qorigiyo rasaas
Qaldaankaan waalaniyo
Quruuntaan diinta li,i
Qudhayda ku goyn lahayd
Amay igu qaadan layd
Qabaalkoodii markale
Qamrina inta ay cabaan
Jirkayga la qalan lahaa
Qardoofiyo faraxumayn
Intii aan qaadan laa
Inaan quusaa haboon!

Marqura bay haw ka tiri!
Qabaalkii ka boodayoo
Qarkay iska xoortayoo
Badii quustoo gashaye
Ileen Qamar waaba belo
Qawyada biyihiyo togeey
Qoftaan soo baratayoo
Qar qarrada buundadiyo
Qarkeedii bay buqdiyo
Qalcada luuqdheere iyo
Qaybtii darayliyo ligliyo
Laacdheeray quustayoo
Qof weeye illeen qatara!
Illaah baa quwad iska leh
Hadana qaadiroo faxane
Qamar waa uu asturay
Quweeyoo barriga gee

Qisadu waa bilow adeer!
Qoftii waxa helay askari
Qoraa lala dhacay markale
Qabire oo waa qabteen
Qol baa lagu ooday xiran
Qoraal baa laga sajalay
Maxkamad baa lagu qalacay
Qaraarkii wuxu ku dhacay
Qaadigu uusoo xukumay
Inay qaadaan hadeer
Qaxootiga lagu qoroo
Qaybtii jixiim loo qadimo
Qosol bay qaanac tahay
Qiyaas waa faraxsan tahay
Qalbigu waa yara dagoo
Qaxootay maqashayoo
Quud baaba usoo carfaye
Maxaa qaybtaa ku xiga?

Qisadu waa gabagabee!
Qoftii qamar qaad askari
Qaxootiga gee markaba
Qiyaamiyo yaab u yimi
Ileen qaramada midoobay
Qurgooyay nagu hayaan
Qaracankaa meesha yaal
Intii been been la qoro
Quraafaad qalin daro
Qufaan wararkaaga badi
Qofkee kaasoo dhintiyo?
Maxaa qarankii dunshiyo?
Qabiilku muxuu taraa?
Halkee qarankiinii maray?
Qayaalka su,aalo baas
Intay kugu qiiqiyaan
Qalbiga kaa dhaawacaan
Ayay qosol ku afjaraan
Qofkii qiil qiilka joogay
Qadoodiga gaajo liitay
Qabaan soomaaliyoo
Qabiil ku shaqaynayeey
Qudhiisa u dhiibayaan

Wataa qamar uu latagay!
Intuu qoorta ula baxay
Qarkaa la istaagay buu
Qafiif waxa uu uyiri
Qaxootaa nala dhahaa!
Qaranka cadow baanu nahay!
Qoriga waxa nahay asxaab!
Qabyaaladi waa quraan!
Qabiil waan ku dhaaranaa!
Qabwaynida waa dhalnaa!
Quursiga waan foolanaa!
Qoraalkeenu waa casaan!
Qadeenuna waa guduud!
Dhiigaan ku qubaysanaa!
Qabriga ma xasuusanee!
Qiyaamaha inaga daa!
Hawlaha qaramada midoobay!
Qof kuu sheegaa ma jiro!
Qolkooda adaa ka yimi!
Hadana qawlkii xiraye
Maxaan kuu qaban karaa?

Qaraar buu xaalku tagay!
Qisadu waa ay xun tahay
Qaadoo adiguun go,aan
Qalbiga kaashay tagtaye
Maxaa Qamar lagu yiqiin?
Qof weeyaan geesiyada!
Hadaadan wax qaban karayn
Maxaa kaa dhigay qabaan
Qolkooda hor taaganoo
Aniga iisoo qafaashay?
Wuxuu yiri qamar walaal
Qabaan waxan ahay firii ah
Qofkii cusub uun tilmaama
Qaybaha teendhooyinkaana
Midii qoqob laga helaayo
Intuu qabanqaabsho geeya
Qabiil baana lagu socdaaye
Adigu qoladee ahayd?

Qiyaamaa yimi markale!
Qoftii wiish baa kuciyay
Qisadu gooray xun tahay
Inbadan ay qaylinaysay
Ayay qiratoo cadaysay
Inay tahay reer qaro leh
Waliba aad u qiimo badan
Qamaamiirtii sariyo
Inay tahay reer quwaax
Laftana qansax ay katahay
Waliba qurac sii gashaba!
Qabaankii baa qosloo
Intuu dhoolaha qalacay
Qix qix uu farax la yiri
Ayuu yiri qalanjo yahay
Allaylehe quruxda badan
Inaad tahay qoladayada
Qofkale aadan noqon karayn
Waxaan kuu qodayay weeye

Hadana qamareey nakeen!
Qoftii ina hebel ahayd
Ayaa joogtoo qolkaas
Qareenoo haysatoo
Qaybtaadii waa diyaar
Quudkana waa layska heli
Qadoodigu wayska hari
Qof baa tahay qiimo badan
Qolada aad tahay ku daaq!
Wataa qamar loo gurmaday
Qalbigu laakiin ma dagin
Qabiilkaas aysan rabin
Qasabkana lagaga dhigay
Qurgooyada gaaladiyo
Qaxootiga waa nacdoo
Qalqaaliyo waa dhaqaaq
Qarfaha waa inay martaa
Saxaaraha qaayibtaa
Qoodaysaa tahriib horloo
Qoondaysaa kicitin kale
Qaadaamad sucuudigiyo
Qaliijka u raadsataa!

Qolyay is aruursadeen!
Qabaan bay raadsadeen
Quruuntii muwaladkiyo
Qoomaan soomaali rabin
Qabiilku ku beeray ciil
Qardoofo la goobayoo
Qaniinyiyo dhagar la jecel
Intay qarash ula tageen
Qaraamkii laga marsii
Markale qoomamiyo ciil
Qaniine fartooda dhexe
Hayeeshee qoonsi maleh
Qaab weeyaan cadiyoo
Qaxootiga uba ah sahal
Qaynuunkii baa la baray
Qaraaboo maalmo joog
Qaaraaniyo shilimo guro
Qof baa tahay geesiyada
Ku qadi mayside dadaal
Qolyihii waatay dheheen
Qaraabada ugu gurmaday
Qabiilka ku haybsan jiray

Qaraar buu xaalku tagay!
Qisadu waa ay xun tahay
Qaadoo adiguun go,aan
Qalbiga kaashay tagtaye
Maxaa Qamar lagu yiqiin?
Qof weeyaan geesiyada
Quraan bay magansatoo
Ducay qawlkii ku tiri
Illaahow qaadiroow
Quwada adigaa iska leh!
Hadana qaniyoo faxane
Qasnado kaydoon gurayn
Adaa qaybshoo baxshee
Qiiliyo wado maanta keen
Qaxootigan iga kaxee
Qabooji naftaan qaracan
Qalbiga waatuu Illaah
Qalab ugu soo ridoo
Ku yiri qaad booknote kii
Qaali iyo qadar ba waco
Hadaa mid ahaan qadona
Mid uun baa quud kusiin

Qacdiiba ku boodayoo!
Qaarada yurub bay wacdoo
Mid qadi labadii qofood
Qofkii kale qarash u tuur
Qasaaro ma,ay qabtee
Kistii Eebuhu u qoray
Qalinkiisuna ku dhacay
Ayay soo qaadatoo
Qabaan bay siisayoo
Qaboonadii lagu balami
Qatime oo magacyo qore
Qac sawirkii waa ku yiri
Qoftii waa tahriibiyeen
Waxay qarfo sii maraan
Qar iyo buur sii koraan
Qadoodiga lagu socdiyo
Waxay qardajeex wadaan
Qoodeeyaan saxarahoo
Qaar badan ay sii dhinteen
Qiyaastii dhowr qof baa
Qaliijkii nabad ku galay

Qoomkiina dhagaysanaaya!
Quruuntiinaan i daawan
Idinku qaadiga noqdoo
Qareenkana soo qabsada
Qaanuunka la kaashadoo
Dacwada aan soo qadimay!
Qofkee baa qalad iska leh?
Qolyihii huuriga miyaa?
Qabaankoodii miyaa?
Ma qoladii qabatay baa?
Qaadiga xukumee u diray
Qaxootiga baas miyaa?
Quruumaha beenta iyo
ma qaramada midoobay baa?
Qabaankii qabiilka wadiyo
Ma reer qurac baa tolow?
Ma Qamar baa qalad iska leh?
Qofkee baa intaa dambi leh?
Qoortiisa silsilad surnaa?
Qudhiisana loo jaraa?

Qisadu waa gabagabee!
Qoftii waa looga daray
Qaliijkii baa haligay
Qadaadkay soo qabteen
Qoraa lala dhacay markale
Qabire oo waa dabreen
Qol baa lagu oodday xiran
Qoraal baa laga sajalay
Maxkamad baa lagu qalacay
Qaraarkii wuxu ku dhacay
Qaadigu uusoo xukumay
Inay qaadaan hadeer
Quruujul cawdo u jaraan
Diyaarada lagu qalaco
Qoftaa dhoofshaan dhakhsaba
Qaybtii ay u sheegatiyo
Qamar ay xamar tagtaa

Qaylay labo daan furtoo!
Qaadiga oo taagan tiri
Qaraabooy i daaya oo
Qudhayda badbaadiyoo
Quruujkana iga cafiya
Quraankii meeyayeey?
Miyaydaan qaadiriyo
Qaraabooy Illaah aqoon?
Rasuulkii aydin qirin?
Qof naxayaa idinku jirin?
Qabtoo hawlaha qabsada
Qawlkeedana iga banada
Ayuu qayliyo xanaaq
Marqura qaadigii kuyiri
Markaasaa lagu qaxoo
Askari uu ku qaaday feer
Qacdaba laad ugu daryoo
Qadaadkii buu ka tumay
Qaar wayn baa lagu rujiyay
Qolkii baa lagu qabiray
Quruujkii lasoo dhamee
Diyaarada lagu qotomi
Wataa xamar lagu qatimay

Qisada waxa ugu darayd!
Qofteenii qamar ahayd
Qurbaha waatay nacdoo
Qaxootiga soo martaye
Qamaamtoo ciida iyo
Quruuruxa xaabsatoo
Qaraabooy abid ha tagin
Qasaaro kastood qabtaan
Qof loo dhaamaa ma jiro
Dhulkiisaa qaaliga ah
Ku qad ama quud heliyo
Qudhaba halagaa jaree
Qabriga isaguun ka dhigo
Intay qaylada ku tiri
Ayay kor u qaadatoo
Qubays iyo biyo sidood
Quruurux ku dhashaatoo
Qacdiiba mid baa la kacay
Qofkaan ma xanuunsan yahay?
Quruuruxa boobayaa
Maxaa qaatoo ku dhacay?
Quboo naa ciida sayr
Maxaad ugu qaadan tahay?
Ma quud baa mooday naayaa?
Qawlkaagana aan maqlee
Qabiilkaagana bal sheeg

Qaraar buu xaalku tagay!
Qisadu waa ay xun tahay
Qaadoo adiguun go,aan
Qalbiga kaashay tagtaye
Maxaa Qamar lagu yiqiin?
Qof weeyaan geesiyada
Hadana qiiraa u dheer
Waxay tiri qaatilyahow
Anigu qaran baa ahaye
Qolana ma,aqaaniyoo
Qof baan ahay soomaaliyeed
Intuu qorigii qabsaday
Intii uu quwad lahaa
Qabtii ka dhawaajiyoo
Qadaadkana kaga dhuftuu
Qalkana ciidii u daray

Qamaame dadkii dhamaan!
Qabtoo garka iyo jilbaha
Qorile waxa tahay nin sare
Qixiye eedoow ka qabo
Qoorgooyow gabadha daa
Qof weeyaan ciil qabtee
Qudheeda badbaadiyoo
Ha qoomine qiil u bixi
Qorile waa yeeli diiday
Qixiye waa sii xanaaqay
Qoorgooyaa yiri dhagaysta
Qoftaan waa kibirsan tahay
Qalkaan ka garaacayaa
Qolkana waa gaynayaa
Waa’in hawl qaran laga qabtaa
Laquusiyo liido caawa
Qabqabashay ugu kaceen
Qolyaa daantaa la tagay

Qayb baa qamar qaadayoo
Intay qoor ula baxeen
Qarkana u fogaysateey
Qunyar waxa ay dheheen
Qabiilkaagu waa tabcaan
Quwaax meeshaan ma joogo
Naahooy qansax lama yaqaan
Halkaan qurac kama shaqeeyo
Qudhaada ha goyne joog
Markaasay qanacday qamar
Qabowdoo ay is qabatay
Qolyihii taladooda yeeshay
Qaybtii qorilaha la joogtay
Ninkii qixiyena kaxaysay
Qoorgooyena soo sabaysay
Qaraar bay soo gunteen
Qaaniyo lacag bay jareen
Qamar baa lagu xukumay
Qoorteeday gadatayoo
Qoftii konton doolar dhiibtay
Qisadii waa ay dhamaataye!
Qoomkiina dhagaysanaaya
Quruuntiinaan i daawan
Idinku qaadiga noqdoo
Qareenkana soo qabsada
Qaanuunka la kaashadoo
Dacwada aan soo qadimay!
Qofkee baa qalad iska leh?
Qoladii qabashada miyaa?
Ma qaadiga soo ceshaa?
Quruujul cawdada miyaa?
Ma Qamar baa qaadan eega?
Ma qorilaa keenay hooga?
Ma qixiyaan soo xirnaa?
Qoriga lala dhacay miyaa?
Ma qoorgooyaan dilnaa?
Qofkee baa intaa dambi leh?
Qoortiisa silsilad surnaa?
Qudhiisana loo jaraa?

Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji “Dhalkheyr”
Email: dhalkheyr@hotmail.com