Waa yaab! Dadka dilaya dadka muslimka ah maxay u daliishanayaan?
December 15, 2011 // admin1 // Articles, Islam, NewsW/Q Sh. Cabdulqadir Dalmar C/raxman
إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالنا, من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل لاهادي له. وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له, وأشهد أن محمدا عبده ورسوله.
Waa yaab! Dadka dilaya dadka muslimka ah maxay u daliishanayaan? Maxaa dan ah oo ugu jirta dilkaas? Diintee u banneysay? Maxaa argagax loo galiyey dhammaan dadkaas oo dalkoodii bannaanka looga saaray, loona baday xeryaha qaxootiga eeKenyaiyo Itobiya?
Dhiiga oo la daadiyo, xaq la’ aan, waa danbi aad uweyn oo naar iyo cadaab xanuun badan lagu muteeysanayo. Waxaa laga oohiyey hooyoyin, caruur, culumo, waxgard iyo waayeel. Waxaa qof kasta oo u danqanaya dadkaas la gudboon in uu ka qaybqaato joojinta dilka dadka soomaaliyeed ee muslimka ah.
Haddii Eebbe Idmo, si aan ugu bayaammino cirib xumida ka dhalata daadinta dhiigga dadka muslimka ah, waxaan ummadda u soo gudbin doonaa Aayado Qur’aan ah iyo Axaadiis ka sugnaatay suubaneheennii Muxammad (sallalahu caleyhi wasalam) oo dhammaantood ka digaya dhiigga qofka muslimka ah. Diinteennu, sida Rasuulku (SCW) inoo sheegay waa waano, waxa ugu fiican ee la isku waaniyaana waa is xasuusinta kitabka iyo sunnaha.
Alle (SW), banii’aadamka markuu abuuray, wuxuu ka fadilay makhluuqaadka intiisa kale, wuxuuna u sakhiray ama u fududeeyey makhluuqaadka kale oo dhan.
Wuxuu Alle (SW) siiyey Aadamiga ahmiyad gaar ah, wuxuuna saaray mas’uuliyad weyn. Sidaas daraadeed ayuu ugu soo diray rusul, uguna soo dhiibay kutub si ay dadka u tusaan waddada saxda ah. Haddaba, diintu waxay xifdiyeysaa shan arimood oo waaweyn oo kala ah cirdiga, nafta, maalka, caqliga iyo Diinka.
Si loo ilaaliyo cirdiga (sharafka), waxaa la mamnuucay sinada,waxaana la jideeyay guurka.
Si loo ilaaliyo nafta, waxaa la jideeyay qisaasta waxaan la xarimay is dilka
Si loo ilaaliyo caqliga, waxaa la xarimay khamriga iyo maandooriyayaasha oo dhan.
Si loo ilaaliyo maalka, waxaa la mamuucay ribada, khayaanada iyo tuugonnimada
Si diinta loo ilaaliyo waxaa la jideeyey jihaadka.
Nabiguna (SCW) waxuu yiri: war gadaashey gaalnimo, qaarkiin qaarka kale qoorta uu ka gooyo, haku laabannina.
في تعظيم القتل العمد بغير حقّ
Waxaa Alle uu xarrimay dilka aan xaqa ahayn, wuuna ka digey sida Alle uu u yiri:
قال تعالى : ” وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا
Qofkii dila qof mumina, si ulakas ah, abaal marintiisu waa Jahannama (naar) oo uu ku waarayo, Alle wuu u carooday, waana nacladay waxaana loo diyaariyey cadaab xanuun badan.
Ibnu Cabaas, Ilaah ha ka raali noqdee, aayadan waxuu ku fasiray inaan towbad laga aqbalayn qofkii dila qof mumin ah si ula kas ah (ula kac).
Qofka dila qof muslim ah waxaa sugaya cuquubaadkan oo dhan:
1. Jahannama
2. Waa ku waarin
3. Alle waa u carooday
4. waa lacnaday
5. waxaa loo diyaariyey cadaab xanuun badan.
” إِنَّ مِنْ وَرَطَاتِ الْأُمُورِ الَّتِي لَا مَخْرَجَ لِمَنْ أَوْقَعَ نَفْسَهُ فِيهَا سَفْكَ الدَّمِ الْحَرَامِ بِغَيْرِ حِلِّهِ ” [ رواهُ البخاري ]
Nabigu (swc) wuxuu yiri: waxyaalaha wax halaaga ee aan meelna looga bixi Karin, qofkii naftiisa ku tuura, waa dhiig xaaraam ah oo la daadiyo xaq la’ aan.
عمر رضي الله عنهما قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( لن يزال المؤمن في فسحة من دينه ما لم يصب دما حراما رواه البخاري
Muminku ka suuli maayo in uu ku jiro xerada waasica ah ee diintiisa ilaa intuusan ku dhicin dhiig xaraam ah.
Xadiiskan iyo aayadahaan Qur’aanka ah waxaa ku cad in diinta muslimku ay waasic tahay, laakiin maalintaad dhiig faraha la gashid in dhulku kugu noqon doono ciriiri. Sidoo kale danbigu intuu doono ha la ekaadee wuxuu wax u dhimayaa waasicnimada diinta. Arrintaasi waa markhaati ma doonto: dadka dadka dila silic iyo saxariir ayaa u danbeysa.
Waxay diinteennu xaaraantimeysay dilka xayawaanka, maxaad u maleyneysaa dilka muslimka.
Imaamu ibnu Qayim ayaa yiri hadii dilka gaalka mucaahidka ah la diidey sababtoo ah waxuu leeyahay balanqaad, maxaad u maleyneysaa muslimkii,
Dhiiga qofka muslmika ah meel weyn ayey shareecadu dhigtay sidaas oo kale ayey diimihii hore u dhigeen meel adag. Waxaan marnaba la ogoleyn in aad ficilkaas xun sameysid, inaad taageertid qofka dilaaga ah ama aad qarisid.
Xiligii Cumar ayaa magaalada Sanca ee Yaman waxaa lagu dilay nin, waxaana ka qayb galay dilkiisa afar qof, markaas ayuu ninkii mas’uulka uga ahaa soo diray akhbaar uu leeyahay maxaan sameeyaa, markaas ayuu ugu jawaabey dil dhammaantood, markaas ayuu yiri Cumar hadii Sanco oo dhan ka wada qaybqaadan lahayd waan wada dili lahaa.
وعن أبي الدرداء ، عن رسول الله – صلى الله عليه وعلى آله وسلم – أنه قال : لا يزال المؤمن معنقا صالحا ما لم يصب
دما حراما ، فإذا أصاب دما حراما بلح: قال الألباني: صحيح – المصدر: صحيح أبي داود –
Nabigu (swc) wuxuu yiri qofku muminka ah ka suulimayo in uu yahay mid Alle ugu degdega si sahal ah inta uusan ka daadin dhiig xaraam ah, Haduu daadiyo wuu halaag samay.
” لَزَوَالُ الدُّنْيَا أَهْوَنُ عَلَى اللَّهِ مِنْ قَتْلِ مُؤْمِنٍ بِغَيْرِ حَقٍّ “[ رواه ابن ماجة بإسناد حسن ] قال الشيخ الألباني : صحيح
Dunida oo suusha ayaa ka fudud Alle agtiisa dilka qofka muminka xaqdarro lagu dilay.
، ورواه البيهقي والأصبهاني وزاد فيه : ” وَلَوْ أَنَّ أَهْلَ سَمَاوَاتِهِ ، وَأَهْلَ أَرْضِهِ ، اشْتَرَكُوا فِي دَمِ مُؤْمِنٍ لأَدْخَلَهُمُ اللَّهُ النَّارَ “
Hadii ehlu samaawaatku iyo ehlu arduhu ay kuwada shaqeyaan dilka qofka muminka Alle naar ayuu wada galinayaa.
فقد قال عزّ وجلّ:{وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ أَنْ يَقْتُلَ مُؤْمِنًا إِلَّا خَطَأً} [النّساء من: 92]،
“Alle waxuu yiri kuma habboona mumin in uu dilo qof mumin ah ilaa mooyee si khalad ah”
1. Qofka Muslimka ah siduu doono naftiisa uma gali karo
{وَلا تَقْتُلُوا أَنْفُسَكُمْ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيماً} [النّساء: من الآية29]
Naftiina ha dilinnina Alle waxuu ahaaday mid idiin naxarista
وروى البخاري ومسلم عن أبي هريرةَ رضي الله عنه عن النَبِيِّ صلّى الله عليه وسلّم قال:
(( مَنْ تَرَدَّى مِنْ جَبَلٍ فَقَتَلَ نَفْسَهُ فَهُوَ فِي نَارِ جَهَنَّمَ يَتَرَدَّى فِيهِ خَالِدًا مُخَلَّدًا فِيهَا أَبَدًا،)).
Qofkii iska soo tuura buur oo naftiisa dila naarta Jahannamo ayuu dhex maquurin isaga oo ku waarin waligiis.
ففي الصّحيحين من حديث أبي بكرة رضي الله عنه أنّ النَّبِيَّ صلّى الله عليه وسلّم قَالَ: (( فَإِنَّ دِمَاءَكُمْ، وَأَمْوَالَكُمْ، وَأَعْرَاضَكُمْ، بَيْنَكُمْ حَرَامٌ)).
Nabigu khudbadiisii xajatul wadaac ee dheerayd aadkana u weyneyd waxaa ka mid ahaa “ war dhiigiinnu iyo xoolihiinnu iyo sharaftiinnu dhexdiinna waa ka xaaran .
ففي الصّحيحين عن عبدِ اللهِ بنِ مسْعودٍ قالَ: قالَ النّبِيُّ صلّى الله عليه وسلّم: (( أَوَّلُ مَا يُقْضَى بَيْنَ النَّاسِ فِي الدِّمَاءِ )).
Nabigu waxuu yiri xukunka ugu horreeya ee la qaadayo dadka dhexdiisa waa dhiigga.
Ibnu Cumar ayaa ku yiri nin dilay addoonkiisii intaad nooshahay biyaha qabow badso naar baa kuudanbeysee.
Dilku waxuu ka mid yahay toddobada wax halaagta
ففي الصّحيحين عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النّبِيِّ صلّى الله عليه وسلّم قالَ: (( اجْتَنِبُوا السَّبْعَ الْمُوبِقَاتِ !)) قَالُوا: يَا رسولَ اللهِ، وَمَا هُنَّ ؟ قال: (( الشِّرْكُ بِاللهِ، وَالسِّحْرُ، وَقَتْلُ النَّفْسِ الَّتِي حَرَّمَ اللهُ إِلَّا بِالحَقِّ، وَأَكْلُ الرِّبَا، وَأَكْلُ مَالِ الْيَتِيمِ، وَالتَّوَلِّي يَوْمَ الزَّحْفِ، وَقَذْفُ الْمُحْصَنَاتِ الْمُؤْمِنَاتِ الْغَافِلَاتِ )).
Nabigu (swc) waxuu yiri ka dheeraada toddobada wax halaagta, markas ayaa layiri oo maxay yihiin? Nabigu wuxuu yiri waa:
1. Alle oo loo shariig yeelo(wax lala wadaajiyo)
2. Sixirka
3. Naftii Alle xarrimay oo la dilo xaq mooyaane
4. Ribadoo lacuna
5. In lacuna maalka aagoonta
6. in jihaadka dhabarka lajeediyo
7. In la caayo haweenka wanaagsan ee muminaadka ah ee bariga ah(wax lagu qadfayo)
Xurmada muslimku way ka weyntahay xurmad kasta oo la qadariyo
فقد روى ابن ماجه بسند حسن عن عبدِ اللهِ بنِ عمْرٍو رضي الله عنه عنْ النّبِيِّ صلّى الله عليه وسلّم قالَ: (( لَزَوَالُ الدُّنْيَا أَهْوَنُ عِنْدَ اللهِ مِنْ قَتْلِ رَجُلٍ مُسْلِمٍ )).
“Dunida oo suusha ayaa ka fudud alle agtiisa dilka qofka muslimka ah.
Alle wuxuu xarrimay qofka mucaahidka ah dilkiisa isagoo gaal ah mar haduu balan ku joogo dhulka islamka ah; maxaad u maleyneysaa qofka muslimka “
روى البخاري عن عبدِ اللهِ بنِ عمرٍو رضي الله عنه عنْ النّبِيِّ صلّى الله عليه وسلّم قالَ: (( مَنْ قَتَلَ مُعَاهَدًا لَمْ يَرِحْ رَائِحَةَ الْجَنَّةِ، وَإِنَّ رِيحَهَا تُوجَدُ مِنْ مَسِيرَةِ أَرْبَعِينَ عَامًا )).
Nabigu waxuu yiri qofkii mucahid dila jannada arki maayo udgoonkeeda taas oo riix deeda laga helo meel afartan sano loosocdo.
Dariiq kasta oo dil Muslim keenaya waa la awday
(( لَا يَحِلُّ لِمُسْلِمٍ أَنْ يُرَوِّعَ مُسْلِمًا )). صحيح أخرجه أبو داود وأحمد
Nabigu waxuu yiri qof muslim ah uma habboona in uu argagax galiyo muslim.
روى البخاري عن أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنْ النَّبِيِّ صلّى الله عليه وسلّم قَالَ : (( لَا يُشِيرُ أَحَدُكُمْ عَلَى أَخِيهِ بِالسِّلَاحِ فَإِنَّهُ لَا يَدْرِي لَعَلَّ الشَّيْطَانَ يَنْزِعُ فِي يَدِهِ فَيَقَعُ فِي حُفْرَةٍ مِنْ النَّارِ )).
Qofkiin yuu ku fiiqin walaalkiis hub maxaa yeelay laga yaabee in sheydaanku gacantiisa ka siibo oo markaas god naar uu ku dhaco.
وروى مسلم عن أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قال: قَالَ أَبُو الْقَاسِمِ صلّى الله عليه وسلّم: (( مَنْ أَشَارَ إِلَى أَخِيهِ بِحَدِيدَةٍ فَإِنَّ الْمَلَائِكَةَ تَلْعَنُهُ حَتَّى يَدَعَهُ وَإِنْ كَانَ أَخَاهُ لِأَبِيهِ وَأُمِّهِ )).
Suubanuhu (swc) waxuu yiri Qofkii walaalkii ku fiiqa bir malaa’iktu way nacladin ilaa uu iska deynayo haba ahaadee qofkaasu walaalkii hooyo iyo aabe.
Nabiga (swc) waxuu diidey in aad ku fiiqdid hub qofka muslimka ah, bal ka waran qofka dilaya qof muslim ah oo ka oohiyey dumarkiisii, ilmihiisi iyo waalidkiis xagee ayuu xaalkiisu ku danbeyn doonaa.
القتال عصبية للحزب أو للقبيلة :
عن أبي هريرة قال ؛ قال صلى الله عليه وسلم : « مَنْ خَرَجَ مِنَ الطَّاعَةِ وَفَارَقَ الْجَمَاعَةَ فَمَاتَ مَاتَ مِيتَةً جَاهِلِيَّةً وَمَنْ قَاتَلَ تَحْتَ رَايَةٍ عُمِّيَّةٍ يَغْضَبُ لِعَصَبَةٍ أَوْ يَدْعُو إِلَى عَصَبَةٍ أَوْ يَنْصُرُ عَصَبَةً فَقُتِلَ فَقِتْلَةٌ جَاهِلِيَّةٌ وَمَنْ خَرَجَ عَلَى أُمَّتِى يَضْرِبُ بَرَّهَا وَفَاجِرَهَا وَلاَ يَتَحَاشَ مِنْ مُؤْمِنِهَا وَلاَ يَفِى لِذِى عَهْدٍ عَهْدَهُ فَلَيْسَ مِنِّى وَلَسْتُ مِنْهُ. »
Nabigu (swc) waxuu yiri qofkii ka baxa daacadda, jamaacada muslimiintana ka baxa oo dhinta,wuxuu dhintay geeri jaahilnimo, kii ku dagaalamay waxaan caddeyn xaq iyo baadil midkuu yahay ( bandiirad indho laa’aan ah),u caroonaya qaraabadisa darted ama u yeeraya qabyaalad iyo tola’ayeey ama u hiilinaya qaraabadiisa oo la dilo,dilkiisu waa jaahilnimo, qofkii ku soo baxa umadeyda garaacana kooda wanagsan iyo kan xunba oo aan ka dhowrsan mid mumin, oo aan u oofin kii balanta lahaa balantiisa, kaasi igama mid ah aniguna kama mid ahi.
وقد نهى رسول الله صلى الله عليه وسلم كثيرا عن العصبية القبلية وقال: ( دعوها فإنها منتنة(الشيخين
Nabigu(swc) in badan ayuu ka digay qabaliyadda iyo anaaniyadeeda. Wuxuu yiri iska daaya waa soo ureysaaye.
Alle wuxuu quranka ku yiri qofkii ku dila qof xaqdaro waa isagoo diley dadka oo dhan.
Ugudanbeyn dadka Masjidka dadka ku dilaya gaar ahaan xiliga salaadaha iyagoo ku sugaya dibadda waxay la mid yahiin kuwii jirida ama mooryanta oo oranjiray ashahaado waan ku diline ama weeso qaado waad dhiman
waxaad ogaataan nabigu(swc) inuu yiri
عن أبي بكرس الصديق قال
: قال رسول الله صلى الله عليه و سلم ( من صلى الصبح فهو في ذمة الله . فلا تخفروا الله في عهده فمن قتله طلبه الله حتى يكبه في النار على وجهه ) قال الشيخ الألباني : صحيح
Nabigu (swc) waxuuyiri qofkii salaadda subax tukada wuxuu kujiraa ammaanada iyo ballanta Alle (Alluu magan u yahay) haka taabannina Alle ammaanadiisa; qofkii dila qofkaas (salaadda subax soo tukadey) Alle ayaa raadsan ilaa uu naarta wajiwaji uga tuuro.
اللهم فرج همنا , و نفس كربنا , و أقض عنا ديننا , و اشف مرضانا , و ارحم موتانا , و اهلك اعدائنا اللهم اجعلنا يا مولانا من عتقائك من النار و من المقبولين و من ورثة جنة النعيمw/q
Alle ka cabsada Somaaliyey oo joojiya dhiiga macna la’ aanta u qubanaya. Alle wuu weyneyay xuquuqda dadka muslimiinta ah wuxuuna aad uga digey in xuquuqdaas lagu xadgudbo.
W/Q Sh. Cabdulqadir Dalmar C/raxman
Fadlan waxii khalad ah igu baraaruji
akdalmar@hotmail.com
v
Waa yaab! Dadka dilaya dadka muslimka ah maxay u daliishanayaan?
W/Q Sh. Cabdulqadir Dalmar C/raxman
إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالنا, من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلاهادي له. وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له, وأشهد أن محمدا عبده ورسوله.
أما بعد: