digg icon delicious icon

WAALIGA JUBOOYINKA " Baroorta qoysaska Soomaaliyeed ee Jilib ku dhaqan waxaa ka danbeyn doonta baroorta Kenya"

October 31, 2011   //     //   News

Kismaayo (AB):-Waaliga Jubooyinka ee dhanka Xarakatu shabaabul Mujahidiin Sheekh Abuukar Cali Aadan ayaa jawaab ka bixiyay duqeyntii shalay diyaaradaha dagaalka Dalka Kenya ka gaysteen Magaalada Jilib halkaasoo ay ku dhinteen shaab gaaraya 15 ruux halka ay ku dhaawacmeen 45 kale.

Waaliga oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ugu horeyn tacsi u direy dhamana ehalada hooyooyinkii iyo caruurtii ku geeriyooday gatnaalihii diyaaradaga kenya ku garaaceen kaam ay ku dhaqnaayeen dad abaaraha dartood uga soo hayaamay deegaanadii ay ku dhaqnaayeen.

Sheekh Abuukar waxa uu ku hanjabay inay u aargudi doonaan shacabkii shalay la laayay isagoo ku eedeeyay dhanka kale dowlada kenya xasuuqaasi shacabka masaakiinta ah loo gaystay.

” Baroorta qoysaska Soomaaliyeed ee Jilib ku dhaqan waxaa ka danbeyn doonta baroorta Kenya” ayuu yiri sheekh Abuukart Cali Aadan oo ku celceliyay inay qaab kasta ugu aar gudi doonaan shacabka Soomaaliyeed ee kenyaatigu xasuuqeen xili raashin loo qeybinayay.

Wararka qaar ayaa ee la helayo ayaa sheegaya in Maamulka Jilib ee xarakada Alshabaab uu raashin qeybin ka waday kaamka duqeymaha diyaaraduhu ku dhaceen inkastoo aaney jirin ciidamo Alshabaab ka tirsan oo duqeymaha lala eegtay ama xitaa wax ku noqday.

allburtinle.com

Readers Comments (0)