News

wada Hadal ONLF iyo Ethiopia uga Bilawday Nairobi

Magaalada Nairobi waxaa maanta ka furmay Wada Hadal Rasmi ah oo u dhaxeeeya Dowladda itobiya iyo Jabhadda Xoreynta soomali galbeed ee ONLF waxaana wada hadallada garwadeyn ka ah dowladda kenya.

Itoobiya waxaa shirkaan ku matalaya mas’uuliyiin uu ka mid yahay hogaamiyaha dowlad deegaanka soomalida itoobiya Cabdi maxamad Cumar halka ONLF ay shirka ku matalayan mas’uuliyiin dhowr ah oo Jabahadda hogaamiyeyaasheeda kamid ah.

Jabahadda ONLF ayaa muddo ku dhaw 40 sano dagaal kula jirta dowladda Itoobiya waxaana xusid mudan in itoobiya ay gacanta ku heyso in kabadan 5,000 oo xubnaha ONLF ah kuwaasi oo ku jira xabsiyada dalka itoobiya mas’uulkii ugu dambeeyay ee itoobiya u gacan gala wuxuu ahaay c/kariim qalbi dhagax oo dowladdda soomalia ay ku wareejisay itoobiya