digg icon delicious icon

Wada hadalka Waalidka iyo ilmaha

May 12, 2011   //     //   Articles, Islam, News

Wada hadalka Waalidka iyo ilmaha


Hordhaca

“ Ilmuhu waa laan curdin ah oo u baahan in si tartiib ah loo koriyaa” Oraahdaasi haddii uu waalid kastaa ka dhigto hal ku dhig oo kaga anba qaado, howshiisa barbaarinta, waxay u fududeyneysaa inuu u dulqaato ilmihiisa, hab la dhaqanka ilmihiisuna dabacsanaado.

Macluumaadka, xirfadaha iyo waxyaabaha la doonayo iney ilmuhu rumeystaan waxay ku koraan si tartiib ah oo isku xiran. Howsha qofka barbaariyaha ah ma ah ah howl sahlan waxay u baahan tahay hal abuurnimo, xirfad yaqaan, sabir, dabacsanaan, waqti dheer , dadaal dheeraad ah iyo ku dayasho wanaagsan.

Marka uu waalidku la hadlayo ilmihiisa wax buu barayaa, waa toosinyaa , wuxuu korinayaa oo uu kobcinayaa noloshiisa, wuxuu xoojinayaa kalsoonidiisa , marka uu ilmuhu waalidkii wax weydiiyo waalidku wuxuu ugu jawaabayaa si cad oo run ah, marka uu waalidku wax amrayo ama wax ka reebayo ilmaha wuxuu la doonanayaa qaabka, waqtiga iyo dalabka ugu munaasabsan. haddii ay dhibaato la soo gudboonaaato wuxuu ku xalinayaa sida ugu fudud ee aan labada dhinaca dhibaato u keeneyn.

Barbaariyaha wanaagsan wuxuu qoyskiisa iyo guriga uu ku nool yahay ka dhigaa hoy farxadeed oo kalgacayl iyo is faham dhex yaal. taasoo ku iman kartaa qorsho wanaagsan iyo nidaam kala danbeyn leh oo yar iyo weynba lays ixtiraamo.

Wada hadalka Waalidka iyo ilmaha

Wada hadalku waa qaab ka mid ah qaababka laysku afgarto, ma aha oo kaliya su’aal iyo jawaab, ee waa habka ugu wanaagsan ee ilmaha wax lagu bari karo laguna dhisi karo shakhsiyadooda

Wada hadalka Waalidka iyo ilmaha waxaa aasaas u ah laba arimood oo lama huraan u ah si uu wada hadalkaasi u noqdaa mid mira dhalaa:

  • In ilmuhu xushmeeyaan waalidkood oo wada hadalka u arkaan wax muhiim ah oo mustaqbalkooda wax ka taraya.
  • Inuu waalidku fahmaa ilmihiisa, ixtiraamaana shakhsiyadooda, iskuna dayaa inuu ka fogaadaa eedda iyo wax ka sheegidda.

Oraahda ama wax sheegiddu waxay saameyn yeelan kartaa marka uu erayga iyo waqtiguba munaasab yihiin. Waxaa dhibaata ah in xalinta dhibaatooyinka ilmaha aannu ku xalinno habkii iyo dariiqaddii laynoogu xalin jiray xilligeennii, sidoo kale waxaa aad u badan inaan ilmaha fursad loo siin iney qeyb ka qaataa xalinta dhibaatooyinka. Inta badan wada hadalka Waalidka iyo ilmaha wuxuu ku soo ururaa sadax natiijo oo kala ah:

  • In lays af garan waayaa.
  • In la kala fogaado oo lays dhibsado.
  • In lays fahmo oo laysu soo dhawaado.

Hababka wada hadalka

Waxaa jira afar hab oo uu wada hadalku u dhaco, waxaana ka mid ah:.

  1. Habka wax barista Habkan waa habka ugu badan ee ay Waalidka iyo ilmihiisu kuwada hadlaan, waayo waalidku wuxuu u arkaa iney howshiisu tahay wax barista iyo barbaarinta ilmaha, sidaasi daraadeed ayuu wax u sheegidda iyo wax tusaaleynta ugu dadaalaa.
  2. Habka Dhiirigalinta iyo amaanta Habka waa habka ugu muhiimsan ee lagu toosin karo hab dhaqanka ilmaha, waayo marka uu ilmuhu wax wanaagsan sameeyaa haddii lagu amaanaa oo lagu dhiirigaliyaa waxay ku abuureysaa inuu dhaqankaasi amaanta u keenay ka caado dhigtaa oo uu had iyo goor sameeyaa,
  3. Habka waan waanta Habkan wuxuu yimaada marka uu Waalidka iyo ilmuhu ay arin ku kala duwanaadaan, markaasina ay timaadaa waan waan lagu xalinayo kala duwanaashahaasi.
  4. Habka amar siinta iyo wax u diidista Habkan wuxuu yimaadaa marka Qatar timaadaa ama arin lama dhaafaan ah ay taal ayuu waalidku adeegsadaa habka oo ah inuu ilmuhu siiyaa amar wax fulin aha ama wax diimo ah.

Weydiimaha ilmaha

Dabeecadda korriin ilmaha ayaa waxay keentaa in ilmuhu ay weydiin bataan, waayo waa maskax soo koreysa dooneysana iney fahamto dunida ku hareereysan sida ay u socotaa, wuxuu doonayaa inuu kororsado waaya aragnimo, waxaa u muuqdaa waxyaabo badan oo caqligiisa yari uusan faallo iyo fasir ka bixin karin, wuxuu doonayaa inuu ogaado erayo badan oo uu ka dhex maqlaa sheekada dadka waaweyn ( waalidkii iyo dadka kale) uusan garan. Sidaa daraadeed ayuu u doonayaa inuu ogaado waxyaabahaasi, dadka ugu dhow ilmahaasi ee ah Waalidka , macallinka iyo ciddii kale ee uu u arkaa iney jawaab ka siin kartaa ayuu su’aalaha uu qabo u soo bandhigaa, waxaa laga yaabaa inuu ku weydiiyo su’aalo uu doonayo inuu ogaado oo ay ogaansho ka tahay

Wax ogaal, daandaansi iyo walwal ku jiraa miduu yahayba, waxaa qalad ah in ilmaha lagu canaanto su’aasha badani ama lagu aamusiyo weydiimaha qaarkood, waayo ilmuhu dabeecaddiisa ayaa ah inuu wixii maskaxdiisa ku soo dhacaa oo uu garan waayaa ama jawaab u heli waayaa inuu ku weydiiyo, haddii aad uga jawaabi weydaa ama aad ku aamusiisaa su’aasha ogow inuu cid kale la doonanayo oo uu ka helayo jawaab qaldan ama aan waafaqsaneyn sidii aad adigu dooneysay inuu u barbaaro ama wax u ogaado

Sida haboon ee loola dhaqmaa su’aalaha ilmaha waa sidan:

  1. Inaad si xushmad iyo soo dhaweyn ku jirtaa aad u dhageysataa su’aasha ilmaha, howl kastoo aad haysato cid waliba oo kula joogtaa waa inaad ilmahaaga dareensiisaa inaad xiiseyneyso su’aashiisa, haddii aad xilligaa mashquul tahay oo aadan uga jawaabi karin su’aasha, waa inaad si naxariis leh u tiraahdaa adiga oo madax u salaaxaya ama garabka ka qabanaya hooyo ama aabbe in yar i sug aan howshan dhameeyee aniga ayaa su’aashaa kaaga jawaabi doonee.
  2. Waa inaad iska ilaalisaa inaad ku aamusiiso ama aad yareysato su’aalaha, waayo haddii uu ilmuhu kaa dareemo inaadan daneyneyn su’aashiisa ama yareysaneyso, waxaa aad ugu weynaanayo rabitaanka uu doonayo inuu ogaado jawaabta su’aashaasi , wuxuuna doonanayaa cid kale oo uga jawaabto, bal ka waran haddii ay tahay su’aashu mid la xiriirtaa caqiido ama akhlaaq dabadeedna uu qof kale ka doontaa jawaabteed loogana jawaabo si qalad ah oo raad ku yeelataa garashadiisa caqiidadeed ama hab dhaqankiisa akhlaaqeed sow danbigeedu adigu ma lihid.
  3. Waxaa aad u qaldan in ilmaha lagu canaantaa weydiimaha badan , iyada oo lagu oranaya “ war orodoo naga tag su’aal badanaa ilmuhu, ma haatuf baa dhagta wax ugu sheegaa “ iwm, hab dhaqankaasi wuxuu ilmaha ku beeraa inuu dareemo in la yareystay oo la ihaaneystay, taana waxay saameyn ku yeelataa xiriirka kalsooni ee adiga iyo ilmaha idinka dhexeeyaa.

Waxaa dhibaato weyn ah inaad si qaldan uga jawaabtaa su’aasha ilmaha ama aad been u sheegtaa ilmaha ama aad ku tiraahdaa adiga waa yar tahay ee su’aashan ma aadan gaarin ee soo weynow. Haddii su’aasha uu ilmuhu ku weydiiyo aadan si dhab ah u garaneyn si macaan oo naxariis waalidnimo ku jirtaa inaad u tiraahdaa aabo ama hooyo jawaabtu ma hubee waan soo baarayaa dabadeedna kaaga jawaabi, arintaasi waxay siineysaa kalsooni iyo qiimeyn weyn uu dareemo ilmuhu, waayo waalidkii ayaa howl ugu maqan oo u soo diyaarinayo

Muxaadaradaan waxaa qoray Dr Cabdirazaaq Hiraad Su’aalaha ku aadan tarbiyada sheekha ugu soo hagaaji Email: info@qubacentre.com

Readers Comments (0)