digg icon delicious icon

Wafdi ka socda Dowlada Mareykanka oo Maanta Boosaaso kula shirey Madaxweynaha Puntland

April 30, 2011   //     //   News

Boosaaso (AB):-Wafdi ka socda Dowlada Mareykanka ayaa maanta gaaray magaalada ganacsiga ku caanbaxday ee Boosaaso waxayna halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Puntland.

Sanater ka mid ah aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa hogaaminayay wafdiga waxaana uu shir la qaatay Madaxweynaha Dowlada Puntland markii uu soo gaaray Magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Faroole oo ku qaabilay wafdiga Mareykanka madaxtooyada Boosaaso ayaa kala hadlay arimo la xiriira xaalada guud ahaan dalka soomaaliya iyo tan maamul goboleedka puntland.

C/raxmaan Sh.Maxamed Faroole warar ku dhow dhow ayaa sheegaya inuu ka codsaday Dowlada Mareykanka sidii gaan looga siin lahaa dhinacyada amniga guud,la dagaalanka burcad badeeda iyo waliba shirkii Nayroobi soomaalida loogu qabtay 13-14kii bishaan.

waxaa kale oo labada dhinac ka wada xaajoodeen sidii mareykanka uu gacan uga geysan lahaa doorashooyinka madaxtinimo ee dhawaan loo galayo xilalka dowlada KMG ah Soomaaliya sida Madaweyne iyo Gudoomiye baarlamaan.

Boosaaso-Bari
allburtinle.com

Readers Comments (0)