digg icon delicious icon

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo Maanta Muqdisho kula kulmeen Ra'iisulwasaare Farmaajo

November 29, 2010   //     //   News

Muqdisho (AB):-Waxaa Maanta Xarunta Madaxtooyada ka dhacay kulan dhexmaray Wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobey iyo Ra’iisulwasaaraha Dowlada KMG Soomaaliya iyo waliba wasiirada cusub ee dhawaan soo magacaabay.

Kulanka Maanta oo aanaye saxaafadu goob joog ka ahayn ayaa waxa warsaxafadeed ka soo saaray afhayeenka Xukuumada Cabdi Xaji Goobdoon isagoo ku faahfaahiyay kulamadii dhexmaray Ra’iisulwasaaraha iyo madaxda ka socotay Qaramada Midoobey.

Cabdi Xaaji goob doon oo wariyayaasha u aqrinayay warsaxafadeedka ayaa ugu horeyn sheegay in wafdiga qaramada Midoobey ay ahaayeen Madaxa Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey iyo Agaasimaha Amnigaiyo siyaasada Qaramada Midoobey.

Ra’iisulwasaaraha iyo QM ayuu sheegay Cabdi Xaji Goob doon inay ka wada hadleen Amniga iyo siyaasada gaar ahaana sidii loo xoojin lahaa ciidamada amniga sida Milatariga iyo Boliiska.

Ra’iisulwasaraha ayaa u gudbiyay wafdigqa QM qorshaha Xukuumadiisa ee mudada 90 cisho kaasoo ugu danbeyn laga sugayay inuu soo gudbiyo 18-11-2010.

Sidoo kale waxaa kulan yeeshay wafdiga QM iyo wasiirada cusub waxayna isla meel dhigeen amniga iyo horumarinta islamarkaana fulinta waxqabad kasta laga hor marsho wax kasta.

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho
 

Readers Comments (0)