News

Wafdi Qaramada Midoobe ka socda oo soo gaaray Muqdisho iyagoo xalane xiligaan kula shirsan Madaxda dowlada Dowlda FD

Muqdisho(PV):-Xaruntac ciidamada AMISON ee Xalane Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulan ay leeyihiin wafdi ka socda Qaramada Midoobe iyo Madaxda sar sare ee dalka.

Wafdiga qaramada Midoobe ka socda waxaa la sheegay inay yihiin Kooxda Dabagalka Cunaqabateynta Hubka Ee Somalia,waxaana shirkaani oo gaar ah xitaa ku sugan qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Sidoo kale kulankaan oo ah mid balaaran waxaa fadhiya wakiilo ka socda dhamaan dalalka xubnaha ka ah Golaha amaanka qaramada midoobe waxaana lagu wadaa in arimo xasaasi ah laga wada hadli doono.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalay kulankaan ayaa hada wararka ugu danbeeya waxay sheegayaan inuu khudbeynayo islamarkaana uu ka hadlayo xaalada dalka guud ahaan.

Shirka oo ah mid hore u qorsheynaa islamarkaana caalamka intiisa badan uu goob joog ka yahay ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah.

wixii ka soo baxa wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan Insha Allaah

Xafiiska Muqdisho
puntlandvoice.com