News

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Boosaaso Gaaray.

Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa faah faahiyay socdaal maanta ay kusoo gaareen magaalada Boosaso, xubno katirsan golayaasha fulinta, sharci dajinta iyo aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya.

Islow ayaa sheegay inay u yimaadeen Boosaaso ka qayb galka Caleemo-saarka Beeldaajaha Guud ee beelaha Cali Saleebaan, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil.

“Marka hore Waxaan doonayaa in aan u mahadcelino mas’uuliyiinta maamulka magaalada Boosaaso iyo Dowlad Goboleedka Puntland sida diiran oo ay inoo soo dhaweeyeen,waxaa wafdiga ka socda Xukuumadda oo aniga aan hoggaaminayo uu ka kooban yahay wasiiro xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare,ganacsato,salaadiin,waxaan halkani u nimid in aan ka qeybgalno caleema saarka Beeldaaje Maxamed Ismaaciil C/llaahi waxaan leenahay hambalyo,” sidaas waxaa sheegay Wasiir Islow.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu tilmaamay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay markasta garab taagantahay dhaqanka maadaama ay aas-aas u yihiin dowaldnimada waddanka.

“Xukuumaddu markasta waxaa ay garabtaagan tahay dhaqanka Soomaaliyeed maadaama ay yihiin aas-aaskii xukuumadaha laga soo bilaabo Carta,anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda waxaan leeyahay hambalyo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiir Islow.

Wafdigan ayaa safarkooda la filayaa inuu qaato labo cisho, waxaana ay ka qayb gali doonaan Caleemo-saarka Beeldaajaha oo barri ka dhici doona sida la qorsheeyay magaalada Carmo ee gobolka Bari.