WAR DEG DEG AH: baabuur Bl-ah oo Galabta ay Miino kula qaraxday wadada warshadaha
August 31, 2010 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Wararka goor dhow aan heleyno ayaa sheegaya in labo ka mid ah baabuurta BL-ka ah ay miino kula kula qaraxday wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore halka ay degan yihiinb Ciidamada Burindi ee Kuliyada jaale Siyaad.
Wararka huru dhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in qaraxaasi 1 qof kaliya ku dhintay 4 kalana ay dhawacyo ka soo gaareen.
Halka miinadu ka kacday ayaa la sheegay inay tahay meel god ah oo badiyaaba miinooyinka loogu aaso ciidaamada AMISOM ee halkaasi degan si loogu qarxiyo marka ay laamiga isticmaalayaan.
wixii war ah ee ku soo kordha qaraxaasi oo goor dhow oo galabta ka dhacay wadada warshadaha wararkeena danbe ayaad kala socon doopntaan inshaaAllaah.
allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho


