WAR DEG DEG AH: Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo goor dhow Hanjabaad u jeediyay dhamaan shaqaalaha TV-ga Universal
May 31, 2010 // admin // NewsWAR DEG DEG AH: Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo goor dhow Hanjabaad u jeediyay dhamaan shaqaalaha TV-ga Universal
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka Xisbul Islaamii ayaa goor dhow oo barqanimadaan ah shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxaana uu kaga dhawaaqay inay gabi ahaanba ay xiriirkii u jareen TV-ga Universal ee afka soomaaliya ku baxa.
Macalin Xaashi waxaa uu xusay inay u sheegeen Madaxda TV-gaasi inay joojiyaan shaqada ay hayaan ilaa iyo inta laga helayo inay rali gelin buuxda baxshaan Allana uga towbad keenaan wixii ay sameeyeen oo ahaa inay soo bandhigeen Sawiro lagu aflagaadeynayoNabigeena Muxamed NNKH.
Macalin Xaashi waxaa si cad u sheegay in dhamaan wariyayaasha ka howlgala TV-gaasi kii ka soo muuqda telfishanka ay beegsan doonaan ilaa iyo inta laga helayo madaxda Tv-gaasi oo raali gelin iyo Towbad keen Alle oo dhab ah la timaada.
Mar wax laga weydiiyay sida ay u beegsan karaan wariyaasha TV-ga madaama dalka oo dhan aysan iyagu maamulin waxaa uu tilmaamay inay meel kasta uu wariyahaasi joogo ama xarun uga furan tahay ay u diri doonaan baabuur waxyaabaha qarxa laga buuxshay kadibna ay ku baabi’in doonaan.
“waad ogtihiin wixii ka dhacay Somaliland iyo Puntland oo qaraxyo ahaa, ma anagaa ka talina,sidaas oo kale ayaan u beegsan doonaa cid kasta oo u sii shaqeysa TV-gaasi” ayuu yiri Macalin Xaashi
Macalinka Waxaa uu carabka ku dhuftay in TV-gaasi ay aad u jeclaan jireen balse uu hadda qeyb ka noqday dagaalka dadka Islaamka lagula jiro,sidoo kale waxaa uu Macalin xaashi tilmaamay in wariihii sawirada aflagaadada ka soo tebiyay dalka Koomfur afrika ay isaga ku weerari doonaan meel kasta oo uu aduunka ka joogo ama ka tago.
Iyadoo hore waxgarad iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed ay uga gil gasheen qaladkii weynaa ee TV_ga Universal uu sameeyay habeen hore ayaa hadana warka Macalin Xaashi waxaa uu noqonayaa kii ugu adkaa ee ku wajahan maamulka iyo wariyayaasha TV-ga.


