digg icon delicious icon

WAR DEG DEG AH: Qarax Ismaadaamin ahaa oo goor dhow Gaalkacyo lagula eegtay Siyaasi C/qeybdiid

January 31, 2012   //     //   News

Gaalakcyo(PV): Wararka aan ka heleyno Magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ahaa lala eegtay guriga siyaasi Cabdi Xasan Cawaale C/weybiid kaasoo Dowlada shariif ka soo qabtay xilal kala duwan.

Nin isa so miidaamiyay ayaa la oo sheegayaa in Koonfurta Gaalkacyo uu maanta isku qarxiyay gaar ahaan guriga C/qeybdiid waxaase wararka durba soo baxay ay sheegayaan in qaraxaasi oo la doonayay in lagu dilo C/qeybdiid uu ka badbaaday.

Qaar ka mid ah ilaalada C/qeybdiid ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen inkastoo wali faahfaahin dhameystiran aan laga heyn dadka guud ahaan wax ku noqday qaraxaasi oo ahaa mid xoogan.

Askarta dhimatay oo ilaalo ahaa C/qeybiid ayaa la sheegay inay rasaas la eegteen ninka is qarxinayay oo doonayay kuwasoo ku sugnaa afaafka hore ee guriga C/qeybiid ka degan yahay Koonfurta Gaalkacyo.

Qaraxa oo dhacay duhuradii kadib ayaaney jirin cid ka tirsan Maamulka Galmudug oo ka hadlay qaraxaasi kaasoo gaystay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jiray.

Gaalkacyo-Mudug
puntlandvoice.com

Readers Comments (0)