digg icon delicious icon

Wararka caalamka

January 31, 2011   //     //   News

Dowladda Canada ayaa sheegtay in dalkeeda ay kasoo musaafurineyso nin xidid la ah BIn cali.
xukuumadda dalka canada ayaa sheegtay in Bil Xasan Adharaabulisi oo la dhashay xaaska madaxweynihii hore ee dalka Tunisia in uu ka dalbaday in loo qaabilo qaab qaxootinimo kadib markii uu dalkaas tagay isagoo ka cararay kacdoonkii shacabka dalkaas ay xukunka ugu rideen zaynul caabidiin bin cali.

waziirka arrimaha dibadda ee dalka canada ayaa sheegay in dowladiisa ay ilaalineyso qaanuunka u degsan arimaha qaxootiga laakiin dalabka Alxasan ay meel marin doonto maxkamadda dalkaas taasoo uu ku sheegay in ay qaadan doonto sanado badan.
 

waziirka arimaha dibadda ee dalkaas xilli uu booqday waqooyi galbeed ee dalkaas ayuu ku sheegay in canada aysan dooneyn in ay magan gelyo siiyaan khaa’in sida Bilxasan oo kale wuxuuna intaasi ku daray in sida ugu macquulsan ay dalkooda ugu musaafurin doonaan ninkaas.
 

hadalka xukuumadda canada ayaa timid kaidb markii xukuumadda cusub ee dalka Tunisia ay ka dalbadeen in ay u soo dhiibaan bil xasan oo ah ganacsade weyn balse dadka reer masar ay u arkaan in hantidaas ay tahay mid ay leeyihiin shacabvka dalkaas.
 

qoyska iyo dadka xididka la ah madaxweynihii hore ee ka cararay dalka tunisia ayaa soo wajaheysa dhibaato kadib markii wadamada ay u carareen dadkaasi ay u diideen in ay siiyaan magangelyo iyadoo xukuumadda tunisiyana ay dalbaneesa in dadkaas loo soo dhiibo si ay u hortagaan maxkamad, qaar kale oo kamid ah ehelada Bin Cali ayaa ku xirxiran dalka Tunisia iyadoo lagu heysto in ay qeyb ka ahaayeen lunsashada hantida qaranka ee dalkaas.
 

Xuseen Nuur Xaaji (Nasiib)
huseinnur@hotmail.com
nasib_10@yahoo.com
Xafooska warqabadka Nairobi,Kenya

Diblomasi u dhashay mareekanka ayaa lagu xiray dalka pakistan.
 
diblomaasi u dhashay dalka mareekanka oo lagu magacaabo Remond Devis ayaa ploice-ka dalka pakistan waxey ku xireen magaalada Lahor ee gobolka Bunjab iyagoo ku eedeeyay in uu dilay laba qof oo u dhashay dalkaas iyadoo doladda mareekanku ay sheegtay in labadaasi qof ay markii hore soo weerareen diblomaasiga isagoo naftiisa difaacayana uu u geestay falkaasi sidaa dardeena waxey ka dalbatay xukuumadda pakistan in lasoo daayo diblomaasigaas.
 
xukuumadda mareekanka ayaa sidoo kale ku eedeesay dowladda pakistan in ay ka talaabsatay qaanuunka caalamiga ah ee lagula dhaqmo diblomaasiyiinta iyadoo xilliga ay police-ka dalkaasi soo qabanayeen ninkaas uu u sheegay in uu yahay diblomasi islamarkaana uu tusay kaar cadeynaya in uu yahay diblomaasi balse ay iska indha tireen ciidanka xiray ninkaasi.
 
balse wazaaradda arimaha dibadda ee pakistan ayaa sheegtay in aysan sii deyn doonin ninkaas islamarkaana la horgeyn doono maxkamad si loogu qaado dambiga uu galabsaday, waiirka arimaha gudaha ee dalkaas Raxman Malik ayaa u bandhigay barlamanka in xukuumadda pakistan ay ninkan horgeyn doonto maxkamad islamarkaana aanan jiri doonin cid ka talaabsata qanuunka dalkaas.
 
arintan ayaa waxey sababeysaa in dhibaato ay soo kala dhex gasho xiriirka mareekanka iyo pakistan iyadoo dowladda mareekanku ay sheegtay in asyan macquul aheyn in diblomaasigaasi uu kusii jiro gacanta ciidanka dalkaas iyadoo dsalbatay in sharuud la’aan lasoo daayo ninkaas taasoo u muuqa mid ay kamadax adeegeysa xukuumada pakistan.

Masar oo laga sameeyay guddi wadahada la sameeya Mubarak.
 

weli waxaa ka socda dalka masar banaanbaxyadii bilowday 25 ka bishan aynu gu guda jirno taasoo shacabka dalkaas ay ku doonayaan in ay xukunka ugu tuuraan madaxweyne mubarak oo 30 sano hayay talada dalkaasi masar iyadoo ciidamada dalkaas ay ku howlan yihiin sidii ay wax ugu qaban lahaayeen rabshadaha ka taagan dalkaas ayaa shalay waxey rasaas ku fureen qaar kamid ah dadka banaanbaxa sameynayay.
 
balse hey’adda caalamiga ee culumada muslimiinta ayaa bayaan ay soo saareen waxey ku cadeeyen dadkii ku dhintay rasaas ay shalay ku dileen ciidamada dalka masar dad kamid ah banaanbaxayaasha in ay yihiin dad shuhada ah.
 
Maxamed AlBradicina wuxuu eed dusha kasaaray mareekanka isagoo ku sheegay in ay iska indha tirayaaan dimoqoraadiyadda iyo rabitaanka shacabka wuxuuna ku tilmaamay in weli ay taageersanyihiin joogitaanka Mubarak laakiin taas ay tahay mid aanan suuro gal aheyn, madaxweynaha mareekankana wuxuu ugu baaqay xusni mubarak in uu u istago sidii uu xalin lahaa dhibaatada kataagan dalkiisa.
 
dhanka kale waxaa la sameeyay guddi ka gooban siyaasiyiinta iyo wax garadka oo ay ka mid yihiin ururka ikhwaanul muslimiin kuwaas oo loo xilsaray in mubarak ay la sameeyaan wadahadal ku aadan sidii uu xilka isaga degi lahaa.
 
Albaradici oo heysta abaal marinta nobleka ee nabadda ayaa kamid ah gudigaas oo ka kooban toban qof sidoo kale waxaa kamid ah wiil dhalinyaro ah oo kamid ah hogamaiyayaasha banaanbaxyda ka socda dalkaasi masar.
 
Baraadici ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in xilli dhow uu la xiriiri doono madaxda ciidanka military-ga si ay iskala kashadaan ridida Mubarak wuxuu intaasi sii raaciyay ciidanka waxey kamid yihiin shacabka weyna ku qasbanyihiin in ay taageeraan rabitaanka shacabka waayo muhiimadooda ayaa waxey tahay ilaalinta iyo dhowridda shacabka.
 
Xusni Mubarak oo umuuqda mid ka naxsan xaalada dalkiisa ayaa ka dhaawijiyay in wadahadal uu la sameynayo mucaaradka wuxuuna ugu baaqay in ay soo fadhiistaan miiska wadahadalka kahor inta aysan u horseedin dalka burbur iyo amni darri.

Axzaabta mucaaradka oo canbaareeyay xariga dowladda sudan ay u geesatay dad sameynayay banaanbax oo kasoo horjeeday Albashiir.
 
Axzaabta mucaaradka ee dalka sudan ayaa canbareeyay xariga ciidamada dowladda sudan ay u geesteen dad banaanbax shalay ka sameynayay Xarunta dalka sudan ee khartoum iyagoo kasoo horjeeday xukuumadda Albashiir.
 
police-ka dalkaas ayaa dadkii banaanbaxa sameynayay garaacay halka qaar kalana ay xireen dadkaas oo ay u badnaayen ardayda wax kabarata jaamacadaha kala duwan ee magaalada khartoum.
 
banaanbaxayaasha ayaa isugu soo baxay barxadda wey ee Jakson oo ku taala magaalada khartoum iyagoo ku dhawaqayay islamarkaana sitay boorar ay ku qornayeen ereyo ay kamid ahaayeen ha dhacdo xukuumadda Albashiir iyo ereyo kale oo ay ku cabirayen dareenkooda ku aadan naceyb ay u qabaan xukuumadda sduan.
 
qof goob jooge ahaa ayaa sheegay in ciidamada police-ka ee dalkaas ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo ulal ay la dhacayeen dadka bananbaxayay.
 
banaanbaxyada lagaga soo horjeedo xukuumadaha carabta ayaa xiligan ah kuwa sii badanaya iyadoo dalka Yemen, Algeria, Urdun Tunisia oo iyada ah aabaha mudaaharaadka ka socda dowladaha carabta iyo dalka masar oo hadda maraya xaalad adag balse mudaharaadka sudaaniyiinta ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta ay soo baxday hordhaca natiijada aftida taasoo guddiga kormerka iyo kuwa doorashada ay sheegeen in inkabadan 98% shacabka reer koonfureedku ay u codeeyeen in ay ka go’aan sudan inteeda kale.
 
dhanka kale madaxweynaha dalka sudan iyo john kerry oo hey’ad uu madax kayahay kamid aheyd kormeerayaasha aftida koonfurta ayaa isla gartay sidii lagu badbaadin lahaa shacabka ku dhaqan gobolka Abyey islamarkaana faraha looga qaadi lahaa guddiga loo xilsaaray in ay maamulaan gobolkaas sida uu qoraya heshiiskii ay wada saxiixden koonfurta iyo waqooyiga.
 
sidoo kale Albashir iyo Silvaker madaxa koonfurta sudan ahna madaxweyne ku xigeenka 1aad ee sudan ayaa isla gartayin inta la calaamadeeyo xuduuda labada dhinac islamarkaana la taageero degenaashaha Abyey inta ka harsan xilliga KMG oo ah bisha july ee sanadkan iyadoo taas macneheedu tahay in Silvaker uu madaxweyne ku xigeen ka sii ahaanaya dalkaas inta laga gaarayo xiligaas.

Qarax ay dad ku waxyeeloobeen ayaa ka dhacay xarun ciidan oo ku taala dalka Vensuela.

Dab ka kacay xarun ay degenyihiin ciidanka ayaa ka dhacay magaalada Maraakaay ee dalka Venezuela kaasoo sababay qaraxyo ay ku waxyeeloobeen in kabadan 40 qof .
 
Rifa’el isia oo ah duqa goblka Araajuu oo ay ka mid tahay magaalada Maraakaay ee ka dhacay qaraxa ayaa Tv.ga qaranka ee dalkaas u sheegay in dadka ka ag dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay oo aheyd keydka ciidanka xaruntaas ay ka carareen goobtaas.
 
sidoo kale waziirka warfaafinta ee dalkaas Andre izara oo isna ka hadlay TV.ga dalkaas ayaa ugu baaqay shacabka deegaankaas in ay is dejiyaan islamarkaana ciidanka dalkaas ay ku howlan yihiin arinkaas.
 
ilaa iy hadda lama oga sababta keentay qaraxaas oo aah mid xoogan maadaama goobta uu qaraxu ka dhacay ay aheyd meel ay ku keydsanayeen hubka ciidamada degenaa xaruntaas, dowladda dalkaas ayaa sheegtay in ay wadaan baaritaano la xiriira sababtii ka dambeysay qaraxaas.
 
dowladda Venesuela ayaa aad ugu soo horjeeda siyaasadda mareekanka inta badana madaxweynaha dalkaas wuxuu ku sheegaa mareekanku in uu yahay mid doonaya in caalamka uu si dadban u gumeysto, waxeyna kamid tahay venezuela dowladaha laatiin ameerica ee dalka Falastiin u aqoonsaday in ay tahay dowlad lamid ah kuwa kajira caalamka, iyadoo dowlado badan oo kamid ah reer galbeedka iyo kuwa laatiin ameericaba ay ku xireen aqoonsashada falastiin in marka hore dowladaha carabta ay isra’el u aqoonsadaan in ay tahay dowlad lamid ah kuwa kale ee kajira caalamka.
 
dhanka kale dalka qubrus ayaa noqday dalkii ugu horeeyay oo yurub ah oo falastiin dowladnimo u aqoonsado iyadoo madaxweynaha dalkaas uu ku dhawaaqay in falastiin ay u aqoonsanyihiin dowlad islamarkaana ay la sameynayaan xiriir dhan walba ah.

Madaxda caalamka oo xal u raadinaya arinta masar

Dalka Masar ayaa weli waxaa ka socda banaanbaxyada ay shacabka ugu magac dareen kacdoonkii 25ka january taasoo ay ku doonayaan in ay xilka ugu tuuraanb madaxweyne xusni mubarak oo isaga jagada madaxtinimada ee dalkaas hayay 30 sano.
 
madaxweynaha mareekankana wuxuu xiriir dhanka teleefoonka la sameeyay dowlada Turkiga, isra’el, sacuudiga iyo ingriiska si ay isaga kaashadaan xal u helidda rabshadaha ka socda dalkasi masar.
 
maantana waxaa ka jira dalkaasi Masar shaqo joojin guud iyadoo qaar kamid ah axzaabta mucaaradka iyo abaabulyaasha mudaaharaadka ay farrimo u dirayaan dadka reer masar tasoo ku saabsan in berri oo talaada ah ay sameyn doonaan banaanbax ka daran kii jimcaha laga arkay dalkaas.
 
sidoo kale iyadoo ciidamada dalkaas ay dib ugu guranayaan goobo badan oo ay ku sugnaayeen ayaa shacabka magaalada Alescandaria waxey sheegeen in ay ka mamnuuci doonaan in ciidanka ay soo galan magaaladaas.
 
dhanka kale xabsiyo badan oo ku yaala dalkaas ayaa waxaa ka baxsaday dad lagu heystay falal kala duwan balse Tv.ga qaranka ee dalkaas ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen nin loo heystay inuu ka dambeeyay dilkii madaxweynihii hore ee dalkaas Anwar sadad oo ka mid ahaa dadkii ka baxsaday xabsiyada dalkaas.

Xuseen Nuur Xaaji (Nasiib)
huseinnur@hotmail.com
nasib_10@yahoo.com
Xafiiska warqabadka Nairobi,Kenya
 

Readers Comments (0)