Wararka caalamka(Saraakiil sar sare oo Liibiyan ah oo ka goostay xukuumadda Qadafi)
May 31, 2011 // admin // NewsDiyaaradaha dagaalka ee Pakistan oo duqeyn ku dilay qaar ka tirsan Dhaalibanta Pakistan.
Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Pakistan ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Pakistan ay duqeyn ka fuliyeen saacado ka hor deegaankaOrakzai ee waqooyi galbeed Pakistan iyagoo weeraradaasi ku dilay 11 ka tirsan ururka Dhaliban ee ka howl gala gudaha dalkaas.
Duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Pakaistan aya timid kadib maalin markii uu baahiyay mid ka mid ah wargeysyada maxaliga ee dalkaas oo sheegay in dowladda Pakistan ay qorsheeneyso weerar dhow oo ay ku qaato deegaanka waziiristaan ee waqooytiga dalkaas oo hoy u ah Dhaliban iyo Ururka Alqacida.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa kasoo xigatay Mas’uul sare oo katirsan xukuumadda Pakistan oo lagu magacaabo Zaman Khan oo sheegay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka Owkrazai ay ka dambeysay kadib markii ay ka war heleen in dagaal yahannada Dhaliban ay qorsheenayaan weeraro ka dhan ah dowlada Pakistan.
Dowladda Pakistan ayaa xoojisay duqeynta ay fulinayaan diyaaradaheeda dagaalka iyo weerarada kale ee dhulka ah tan iyo markii Mareykanku ay ku dileen dalkaas hoggaamiyihii Ururka Alqacida Osama Bin lade.
Tallaabaooyinkan ayaana ah mid xukuumadda Pakistan ay ku dooneyso in ay ku baabi’iso dagaal yahanada Dhaliban iyo Ururka Alqacida oo ku dhuumaaleesanaya magaalooyin badan oo kamid ah dalka Pakistan.
Xuseen Nuur Xaaji (Nasiib)
huseinnur@hotmail.com
nasib_10@yahoo.com
Xafiiska Warqabadka Nairobi,Kenya.
Shil gaari oo ka dhacay Waqooyi bari dalka Hinidiya oo ay dad badan ku dhinteen.
Mas’uuliyiin u dhalatay dalka Hindiya ayaa maanta sheegay in gaari siday dad u dabaal degayay aroos uu ka dhacay buunto ku taala deegaanka Naa’iya ee Waqooyi bari dalka Hindiya halkaasoo ay ku dhinteen 27 qof oo ka mid ahaa dadkii rakaabka ee ahaa 43 qof halka qaar kalana ay dhaawacyo soo gaareen.
Gaariga ayaa ka gudbayay boonta ka sameysan alwaax oo ka hooseeya wabi taasoo sababtay in gaarigii uu ku dhaco biyaha sida ay shegeen Mas’uuliyiinta maxaliga ee degaanka Na’iyah.
Shilkan ayaa ka dhacay saakay xilli hore meel u dhow tuulada Hajoo ee magaalada Jawhati oo 40 Km u jirta xarunta gobolka Aasaam ee dalkaasi Pakistan.
Dadka u dhawaa tuulooyinka u dhow goobta uu shilka ka dhacay ayaa u gurmaday dadka ku waxyeeloobay shilka waxeyna biyaha kasoo saareen 27 qof oo meyd ah waxeyna badbaadiyeen saddeed qof oo dhaawacmay iyagoo geeyay Cusbital.
Wakaaladda wararka ee Assaciated Press AP ayaa kasoo xigtay sarkaal ka tirsan ciidanka dalka Hindiya oo sheegay in ciidamadu ay u istaagayaan baaritaan ay ku baadi goobayaan meydad dheeri ah oo la la’yahay.
Waxaa xusid mudan in dalka Hindiya uu yahay dalka ay ku nool yihiin dadka ugu dhimashada badan caalamka ee dhinaca shilalka, sanad walbana waxaa shil wadooyinka ah ku dhinta in kabadan 100 kun oo kamid ah muwaadiniinta Hindiya sida ay ku sheegeen Police-ka tirakoob ay sameeyeen.
Shilalka ayaa inta badan loo aaneeyaa wadooyinka oo ah kuwa ay dhismooyin ku socdaan, darawalada oo gawarida si xawli ah u wada iyo cilado farsamo oo ay qabaan gawaarida la raaco.
Xuseen Nuur Xaaji (Nasiib)
huseinnur@hotmail.com
nasib_10@yahoo.com
Xafiiska Warqabadka Nairobi,Kenya.
Saraakiil sar sare oo Liibiyan ah ooka goostay xukuumadda Qadafi.
Sadded sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka Military-ga ee Liibiya ayaa ka goostay xukuumadda Qadafi iyagoo shalay Shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga oo ay gaaraay kadib markii ay ka baxsadeen dalkka Liibiya oo ay sii mareen dalka Tunisia, waxeyna ugu baaqeen Saraakiisha kale ee Military-ga in ay ka soo horjeestaan Qadafi oo ay ku biiraan mucaaradka.
Gaashaanle Salaax Jumcah oo kamid ah saddeeda sargaal ayaa tilmaamay in Ciidamada taageersan Qadafi ay geysanayaan falal xasuuq ah islamarkaana ay go’doomiyen magaalooyin qaarkood sida Misratah iyo Ijdaabiyah iyagoo kufsaday haweenka magaalooyinkaas.
Afhayenka wazaaradda arimaha dibadda ee Talyaaniga Moricio Masari oo ka qeyb gashay shirka sharaa’id ee ay qabteen saraakiisha ayaa sheegaty in Saraakiishu ay kasoo goostaan dhibaatooyin loo geysanayay, islamarkaana ay sameeyeen wax wanaagsan oo ah in ay ka goostaan nidaam aanan mustaqbal laheyn.
Dhanka kale Madaxweynha Koonfur Africa Jacob Zuma oo hoggaaminayay wafdi ka socday midowga Africa ayaa la kulmay hoggaamiyaha Liibiya waxa ayna kawada hadleen sidii xal looga heli lahaa rabshadaha ka socda Liibiya.
Afhayeenka Zooma ayaa u sheegay Saxaafadda in muhiimadda ugu weyn ee booqashadu ay aheyd sidii loo gaari laha xabad joojin iyo caawinaad la gaarsiiyo dadka ku sugan goobaha ay sida xoogan dagaalada ugu socdaan.
Xuseen Nuur Xaaji (Nasiib)
huseinnur@hotmail.com
nasib_10@yahoo.com
Xafiiska Warqabadka Nairobi,Kenya.
Dad aad u tira badan oo lagu dilay magaalada Taciz ee dalka Yemen.
Laamaha caafimaadka ee dalka Yemen ayaa sheegay in 46 qof ay ku dhinteen qaar kalana ay ku dhaawacmeen magaalada Taciz ee koonfurta Yemen kadib markii ciidamada nabad ilaalinta ay hor istaageen dad dibad bax sameynayay oo isku dayay in ay saldhig ka sameystaan fagaaraha xoriyadda ee magaaladaas.
Laamaha caafimaadka ayaa intaasi ku daray in la arkay meydad ku hoos jira teendhooyin ay dhisteen dadka dibad baxa sameynayay ee ay gubeen ciidamada dowladda.
Magaalada Sanca-na waxaa isugu soo baxay shalay galab boqolaal kun oo dibad baxayaal ah waxa ayna dhaleeceeyen dhibaatooyinka ka dhacay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Taciz, sidoo kale magaalooyinka Ib, Baydaa, Xadarmuud, Sacdah iyo magaalooyin kale ayaa ka dhacay diba dbnax kaas lamid ah.
Safaaradda Mareykanka ay ku leedahay magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen ayaa cambareesay dilka loogeystay dadka dibad baxa sameynayay ee magaalada Taciz lagu laayay , waxa ayna cadeesay bayaan uu soo saaray madaxweynaha mareykanka Brack Obama oo dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan uu xilka isaga dego madaxweynaha Yemen Cali C/lla Saalax.
Dhanka kale Dadka deegaan Senjibar ee xarunta xaafadda Abyan ayaa sheegay in diyaarado ay duqeeyeen goobo badan oo kamid ah magaaladaas oo ay maalmo ka hor qabsadeen kooxo hubeysan oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin ururka Alqacida.
Xuseen Nuur Xaaji (Nasiib)
huseinnur@hotmail.com
nasib_10@yahoo.com
Xafiiska Warqabadka Nairobi,Kenya.
Nato oo ka cudur daarayay dilka ay u geysatay dad rayid ah.
Isbaheysiga Nato ayaa ugu cudur daartay dowladda Afghanistan dilka ay u geysteen 14 qof oo rayid ahaa oo ku dhintay duqeyn ay sameeyeen diyaaradaha gaashaan buurta Nato xilli ay ku raad joogeen sida ay sheegeen ururka Dhaliban oo ku sugnaa deegaanka Halamand ee koonfurta dalkaas.
Bayaanka lagu cudur daaranayay aya sidoo kale ku xusnaa in joojinta khsaarooyin ku timaada dadka rayidkja ay tahay tan koowaad ee ay ilaalinayaan gaashaan buurto nato falkaasna uu yahay mid aad u fool xumaa oo aanan soo laaban doonin.
Bayaanka oo sida wada jir ah ay ugu wada saxiixnaayeen General David Betrios Madaxa ciidamada caalamiga ee Afghanistan iyo General John Tolan oo madaxa ciidamamada Badda Mareykanka ee Marineska ayaa tilmaamay in ay ad ugu xunyihiin dhacdadaasi ay geysteen diyaaradaha Nato.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay geysteen diyaaradaha kadib amrkii la dilay askari ka tirsanaa ciidamada Mariineska Mareykanka taasna ay keentay in ay qaadaan weerarka oo ay ku dileen qaar ka tirsan mintidiinta dhaalibaan iyo dadka rayidka ah, waxeyna intaasi ku dareen in dadka rayidka ah ee ku dhintay duqeynta in ay ahaayeen 9 ee aanan aheyn 14 qof.
Xuseen Nuur Xaaji (Nasiib)
huseinnur@hotmail.com
nasib_10@yahoo.com
Xafiiska Warqabadka Nairobi,Kenya.


