digg icon delicious icon

Wariyayaal Maanta ku dhaawacmay dagaalada Muqdisho

June 29, 2010   //     //   News

Muqdisho (AB):-Wariyayaal ka tirsan kuwa Magaalada Muqdiso ka howlgala ayaa Maanta ku dhaawacmy degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho xili wariyayaashaasi u kuur galayeen goobo shalay Ciidamada Dowlada lagala wareegay.

Wariyayaasha dhaawacmay waxaa ku jirey 2 ka tirsan sawir qaadayaasha TV-ga Al;jazeera kuwaasoo midkood madaxa uu dhaawac fud ka soo gaaray,xaaladiisana waa mid aad u wanaagsan.

Ilyaas Abuukar oo ah wariyaha madaxa ka dhaawacmay ayaa saxaafada u sheegay in dhaawaca gaar uu yahay mid sahlan islamarkaana ay dhibaatadu qabsatay xili xarakada Mujaahidiinta Alshabaab wariyayaasha ku martiqaadeen inay soo arkaan xeradii gaadiidk Boliiska oo ay shalay galab kala wareegeen Ciidamada Dowlada.

Afhayeenka xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sh.Cali Maxamuud (Dheere) ayaa sheegay inay maanta tuseen wariyayasha xeradii gaadiidka Boliiska iyo dhamaan goobihii ay shalay kala wareegeen dhanka Dowlada.

“waxaan ugu bishaareyneynaa shacabka inay aad soo yaraanayaan meelaha murtadiinta ay ka joogeen Muqdisho,maalinba maalinta ka danbeysana ay soo yaraanayaan” ayuu yiri Sh Cali Dheere

Dhanka kale saraakiisha Dowlada wali si rasmi ah ugama hadlin guuldarada ka soo gartay dagaaladii ka dhacay degmada C/casiis shalay iyo xalay fiidkii

Wariyayaasha dhaawacyadu soo gaareen ayaa waxa kale oo ka mid ah Muuse Jiisow oo ah milkiilaha website-ka somalisan iyo C/risaaq Black oo u shaqeeynayay TV-ga Somali Chanal

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho

 

Readers Comments (0)