digg icon delicious icon

Wariyayaal shirqool iyo sharci daro ku tilmaamay shir ku sheg Saxaafadeed oo Muqdisho ka dhacay

May 30, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB);-kadib marki shir aan loo dhamayn oo sida la sheegay in mudo labo cisho ah si qarsoodi ah uga soconayey koox wariyayaaal magac weyn aan ku lahay warbaahinta somaliya Muqddisho ayaa inta badan wariyayasha caanka ah ee ka howlgala warbaahinta muqdisho iyo gobolada dalka waxa ay ka soo horjeesten shirkaasi oo ay ku tilmaamen shir shirqool ah oo ay isugu yimaaden dad aan aqoon u lahayn howlaha saxaafada sad bursina uu ka dhaxeeyo.

 
Xubnaha maanta shirka labada cisho soconayo uu xirmay ayaa waxaa la sheegay in ay qayb ka yihin qaa’imin horay igu heshiiyay dhaca xaqa wariyayasha naftooda u huray ka shaqaynta xalada somaliya kuwasi oo la magac baxay NOSOJ Hasa ahaate haatan kukala qaybsamay boobka iyo ben abuurka wariyayaasha Somaliyed
Ururka NSJ Horay ayuu u kala qaybsamay kadibna waa uu burburay laakin xubnaha kulanka kuleh muqdisho waxa ay sheegen in iyaga loo aqoonsan yahay Ururka NSJ

Waryayaal Badan Oo magac Ku Dhaxleh Wariyayaasha Somaliyeed Ayaa shir aan ka soo qaad lahayn ku tilmaamay shirka muqdisho
Wariyayaal rugcaada ah Oo u hadlaayay waryayaasha muqdisho ayaa sheegay in waxa ka socdo muqdisho aan lagu tilmaami karin shir ee uu yahay sheeko iyo fadhi ku dirir ka dhaxeyo dad an intooda badan aqoon u lahayn howlaha saxaafadeed waxaa ayna intaa ku dareeen in saxafada loga doonayo in ay ka hortagaan oo ay maaqif ka qaatan dadka danaha gaarka ah leh ee ka been abuurayo wariyasha somaliya joga.

Abshir C/laahi Max’ed u hadlay warbaahinta deeganada Puntland ayaa waxa uu shegay in suxufiyiinta Puntland anu wax lug ah kulahayn shir ku sheega muqdisho ka socda isagoona intaasi ku daray in shaqsiyaadka ka socda deeganada putland aanu ahayn suxufiyeen oo ay yihin shaqsiyaad dano gaar ah leh oo ay suxufiyinta puntlan ilgaar ah ku hayan.

Wariyaayl badan oo ku sugan koonfurta iyo bartamaha somaliya oo aan ka qayb galin shirka sheekada iyo kaftan ku bilowday oo wariyasha qarkood ay shegayaan in dhaqaalaha ku baxayo ay bixinayaay wadamada reer galbeedka ayaa iyaguna waxa ay igu baaqen dowlada KMG iyo Xarkada mujaahidinta Alshabaab in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado xubnaha danaha gaarka ah leh ee ka ben abuurayo suxufiyiinta somaliyed.
 

.Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com

Readers Comments (0)