News

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Hargeysa lagu Xiray

War Deg Deg Ah oo hadda naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa Ee Xarunta Maamulka Soomaaliand ayaa ku waramaya in Halkaasi lagu Xiray wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Wariye Cooldoon ayaa ku Sugnaa Muqdisho waxaana uu la kulmay islamarkaasina uu taageero u ahaa Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Wariye Cooldoon ayaa hadda lagu xiray jeel ku yaala Hargeysa xili maanta uu ka dagay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Soomaaliand.

Wariye Cooldoon Ayaa dhowr jeer waxaa xabsiga dhigay Ciidamada Soomaaliand iyo kuwa Dowlada Itoobiya.

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah