digg icon delicious icon

Warsaxaafadeed laga soo saaray shir maanta ay yeesheen Golaha wasiirada Dowlada KMG ah

June 30, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB):-Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisulwasaaraha Dowlada KMG ah Soomaaliya ayaa laga soo saaray warsaxaafadeed loo qeybiyay qeybaha wararka fidiya.
Warsaxaafadeedka ayaa sidaan u qornaa:-

Muqdisho, Khamiis, 30 June 2011 – Shir ay yeesheen golaha wasiirada oo uu shirguddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

1. Arrimaha Abaaraha iyo Barakacayaasha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa golaha u sheegay in xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha ay marayaan heerkii ugu sarreeyey loona baahanyahay in wax laga qabto. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu arrimahan kala hadlay hay’adaha Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha abaaraha iyo barakacayaasha.
Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in loo baahan yahay in lala yimaado sidii loo gar-gaari lahaa shacabka soomaaliyeed ee ku tabaaleysan waddanka gudihiisa.

Golaha Wasiirada oo ka dooday arrimaha abaaraha iyo barakacayaasha ayaa xaqiijiyey in maalmahan ay muqdisho si joogta ah u soo gaarayeen barakacayaal ka soo cararay degaanaddooda kuwaasoo ay ka muuqato macluul aad u baahsan. Sidoo kale golahu waxey ka hadleen in abaaraha jira ay saameeyeen dad iyo duunyaba, loona baahan yahay in lala kaashado caalamka. Golahu waxey go’aamiyeen in guddi loo saaro arrinkan oo si deg-deg ah
uga soo talabixiya xaaladda dhabta ah iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka soomaaliyeed.

Golahu waxey kaloo go’aamiyeen in qeylo dhaan iyo baaq loo diro beesha caalamka oo laga codsado in xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha ee dalka uu marayo heerkii ugu sareeyey
loogana baahanyahay gurmad caalami ah oo deg-deg ah. Sidoo kale golaha waxey ugu baaqeen qurbo-joogta, ganacsatada iyo dhammaan shacabka soomaaliyeed inay kaalin mug leh ka qaataan sidii shacabka soomaaliyeed ee abaaraha iyo barakacayaasha saameeyeen ay gurmad deg-deg ah ula soo gaari lahaayeen.

2. Habsami u socodka howlaha wasaaradaha iyo u adeega bulshada;
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u sheegay golaha wasiirada in loo baahan yahay in howlahii wasaaradaha iyo u adeega bulshada la sii dar-dargeliyo oo xilligan isbedelka aanu saameyn ku yeelan habsami u socodka howlaha dowladda. Golaha Wasiirada ayaa warbixinno ka dhageystay wasaaradaha Gaashandhiga, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Dastuurka, iyo Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, kuwaas oo ka warbixiyey horumarka ay sameeyeen,
caqabadaha jira iyo qorshayaasha ay wadaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii ku dhiirigeliyey in dhammaan wasaaradaha ay sii joogteeyaan waxqabadkooda, lana yimaadaan waxqabad joogta ah oo u adeegaya shacabka soomaaliyeed.

3. Tacsi loo direy Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska
Ugu danbeyntii, Ra’iisal Wasaaraha iyo golaha wasiiradu waxey tacsi u direen Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska Mudane Cabdirashid Khalif Xaashi oo adeerkiis Marxuum Musse Xaashi Fiqi Yusuf oo 28kii Juun ku geeriyooday magaalada Galdogob. Golahu waxey marxuumka EEBBE uga baryayaan inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, dhamaan qoyskii, eheladii iyo shacabka soomaaliyeedna samir iyo IIMAN ka siiyo. AAMIIN.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
The Transitional Federa l Government of the Somali Republic
Office of the Prime Minister
 

Readers Comments (0)