Wasaarada Lacagta Dowlada KMG oo Maanta soo bandhigtay lacaha ay qabatay sanadkii dhamaaday iyo midka hada socda.
May 31, 2010 // admin // NewsMuqdisho (AB):-Wasiirka Lacagta taagta daran ee Madaxweyne Shariif hogaamiyo ayaa maanta shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho waxaa uu ku soo bandhigay lacaga ama miisaaniyada Dowlada ay ka qabatay ilaha dhaqaalaha sanadkii tagay iyo sanadaai bartamaha maraya.
C/raxmaan Yariisow waxaa uu daboolka ka qaaday in ilaha dhaqaalaha Dowlada sida dekada ay ka qabyeen sanadkii dhamaaday lacag gaareysa 11529564$,(11 Milyan shan boqol labaatan iyo Kun shanboqol lixdan iyo 4 Doolar) sagaal dhamaana meelihii loogu talo ay ku baxeen qoraalna ay ka hayaan.
Sidoo kale wasiirku wuxuu sheegay inay saadkani lixda Bil ee dhamaatay ka hayaan lacag gaareysa 5154725$ kuwaas dhamaantood ay wasarada lacagtu gacanta ku hayso.
C/raxman Yariisow oo ah Wasiirka lacagta waxaa uu intaasi ku daray in wasaaridiisu u xilsaaran tahay soo ururinta daqliga Dowlada soo gala, islamarkaana uu cadeynayo inaan wax musuq maasuq ah aan lagu sameyn lacagta Dowlada soo gasha sida ay hore u sheegeen gudiga Xildhibaanada ugu qabilsan la xisaabtanka wasaaradaha Dowlada.
Ugu danbeyn Wasiirkaani waxaa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dhawaan miisaaniyada lacageed ee ay hayaan ay hor geyn doonaan Baarlamaanka islamarkaana u sharaxi doonaan wixii Dowlada hore u soo galay iyo waxa ay iminka hayso iyo sida wax loo maamulo.
allburtinle.com
Qartum-Sudan


