News

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u soo Xirtay shaqaallaha wasaaradda

Waxaa maanta magaalada Garowe kusoo xirmay tababar loo qabtay dhaqaalaha wasaarada maaliyada siiba qaybaha xisaabaadka guud iyo Miisaaniyada, waxaana tababarkan lagu baranaayey Maamulka xisaabaadka iyo Miisaaniyada,

Tababarkan oo ay si wada jira u bixinaayeen khuburo kasocota Bank aduunka iyo Hay,adda Unicom, waxaa muhiimadii uu lahaa ka hadlay Xisaabiyaha guud ee Dawlada Pl l, kusimaha agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyada iyo qaar kamida shaqaalihii tababarka ka faidaystay.

Wasiirka Wasaarada maaliyada Cabdullaahi Saciid Carshe oo ugu dambayntii soo xiray munaasabada wuxuu shaqaalihii tababarka ka fa idaystay ku gubaabiyey inay ku dabakhaan goobihii shaqo ee ay ka yimaadeen aqoonta ay barteen, isagoo ugu dambayn shahaadoyin gudoonsiiyey shaqaalihii tababarka qaatay.