News

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay Ramadaanka

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in maalinta berri ay tahay 30ka bisha Shacbaan, halka Maalinta Khamiista ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.

Boqortooyada Sacuudiga iyo wadamo ka mid ah kuwa Islaamka ayaa iyana sheegay in berri ay tahay maalinta u dambeysa bisha Shacbaan, sidoo kalena Khamiista ay tahay maalinta 1aad ee bisha Ramadaan.