digg icon delicious icon

Wasiir ka tirsan Dowlada Britain oo Maanta soo gaaray Magaalada Garoowe

January 30, 2012   //     //   News

Garowoe (PV):-Magaalada Garoowe ee caasimada Dowlada Puntland waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Wasiirka iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah ee dalka Britain Andrew Mitchell .

Wafdiga Wasiirka iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah ee dalka Britain Andrew Mitchell waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Dowlada Puntland sida Wasiirka iskaashiga caalamiga ah Cabdiqaadir Cabdi Xaashi iyo wasiirka waxbarashada Cabdi Faarax Juxa.

Dadweyne iyo ururada bulshada gaar ahaan kuwa haweenka dad ka socday ayaa sidoo kale ka qeybqaatay soo dhoweynta dalka Britain ka socday.

Saacada soo socda waxaa lagu wadaa madaxda ugu sareysa dowlada puntland ay wafdigaani ku qaabilsan madaxtooyada halkaasoo ay gaareen wafdiga  dalka Britain ka socday,waxaana ka mid ah madaxda la filayo inay wafdiga Britain qaabilaan  madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Jen.C/samed Cali Shire.

Maaha markii ugu horeysay oo wafdi ceynkaani oo kale ah uu soo gaaro Magaalada Garoowe,waxaana magaaladaasi joogto u taga wufuud caalamka ka kala socota oo dunida ka kala timaada kuwaasoo badankood ah diblomaasiyiin wadadamada qaar ka socda.

Xafiiska Garoowe
puntlandvoice.com

Readers Comments (0)