Wasiir ka tirsan Dowlada Iiraan oo sheegay in gargaarkii ugu badnaa ay dhawaan Muqdisho gaarsiin doonaan
September 28, 2011 // admin // NewsDowlada Iiraan oo dhowr mar hore gargaar raashin iyo dawo leh u keentay Muqdisho ayaa ku dhawaaqday inay kaalmadii ugu badneyd ebid gaarsiin doonaan dhawaan magaalada Muqdisho si dadka u bahan loo gaarsiiyo.
Wasiirka arimaha gudaha Dowlada Iiraan ayaa saxaafada u sheegay in Dowlada Iiraan dhawaan Muqdisho gaarsiin doono gargaarkoodii ugu badnaa ebid taasoo lagu saacidi doono dadka abaaraha dartood uga soo hayaamay deegaanadii ay ku dhaqnaayeen islamarkaana soo dhoobtay magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in deeqdaani oo gaareysa 5-kun tan oo raashin iyo dawo isugu jirta ay u soo marinayaan Soomaaliya Hay’ada laanqeytra cas ee dalka Iiraan dhawaan ay muqdisho ka soo dejin doonaan si degdeg loogu gaarsiiyo dadka abaaruhu saameynta ku yeesheen.
Gargaarkaani Dowlada IIraan bixineyso ayuu wasiirku xusay inay ka soo bixi doonaan dekada Bandar-Cabas oo ku taalla Koofurta dalka Iiraan islamarkaana ay ku imaan doonaan Muqdisho mudo 17 maalmood ah sidaana lagu soo gaarsiin doono dadka u baahan.
Maaha markii ugu horeysay oo Dowlada IIraan raashin mucaawino ah soo gaarsiiso Muqdisho waxaana ay wali xafiisyo ku leeyihiin gudaga Magaalada iyagoo kaamam badan gaarsiiyay teendhooyin iyo raashin kala duwan kuwaasoo ay ka dul babanayaan calanka dalka Iiraan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in markab weyn ay Dowada Iiraan durba u soo dirtay dekada Muqdisho kaasoo lagu wado inuu maalmaha soo socda ku soo xirto dekada.
Xafiiska Muqdisho
allburtinle.com



