Wasiir ka tirsan Dowlada Puntland oo hadlay wafdi xaqiiqo raadin ah oo Maanta soo gaaray Garoowe
June 30, 2011 // admin // NewsGaroowe (AB):-Wasiir ka tirsan Dowlada Puntland ayaa ka halay wafdi qaramada midoobey iyo Dowlada KMG ah isugu jirey oo Maanta soo gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Gen.Cabdilahi Axmed Jaamac Ilka Jiir oo ah wasiirka arimaha gudaha Dowlada Puntland oo la hadlayay Horseed Media ayaa sheegay in wafdigan oo shalay soo gaaray magaalada Garoowe ay la kumeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland islamarkaana ay kala hadleen goobta ugu nabdoon oo uu ka dhici doono shirwaynaha la qoeshaynayo in lagu qabto dalka Soomaaliya.
Wasiirka waxaa kale uu sheegay in wafdiga ay dowladda Puntland u soo bandhigtay in shirka soo socdo lagu qabto deegaanada Puntland maadaama uu sheegay in amaanka Puntland uu yahay mid la isku halayn karo.
Jen.Ilkajiir Waxaa uu intaasi raaciyay in wafdiga ay saaka dib uga dhoofeen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaana ugu dambeyntii uu sheegay inuu rajaynayo in wafdigan waxyaabihii ay kala kulmeen Puntland inay dib ugu celin doonaan masuuliyiinta ugu saraysa ee QM.
Maamulada Puntland,Galmudug, Ahlu-sunah waljamaaca iyo dowladda KMGS ayaa xusul duub balaaran ugu jira sidii midkastaa uu u qaban lahaa shirka la iclaamiyay in lagu qaban doono dalka Soomaaliya,islamarkaana la isugu keenayo dhinacyada kale duwan ee dalka si xal looga gaaro dhibaatada ka jirta qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Garoowe-Nugaal
allburtinle.com



