digg icon delicious icon

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland oo ka warbixiyay safar shaqo oo ay Muqdisho ku joogaan

October 30, 2011   //     //   News

Muqdisho (AB):- Iyadoo uu gabo gabo yahay safar shaqo oo ay Muqdisho ku joogaan wafdi uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka waxbarashda Dowlada Puntland Maxamuud Maxamed Idiris ayuu mas’uulkaani faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ujeedka socdaalkooda.

Wasiir xigeenka waxbarashada Puntland Maxamuud Maxamed Idiris waxaa uu daboolka ka qaaday in ujeedkoodu yahay arimo la xiriira deeqihii waxbarash ee dowlada Turkiga ka heleen ardey badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo badankood ka dhoofay Muqdisho.

Wasiirka waxaa uu intaasi ku daray in si fiican loogu soo dhaweeyay caasimada Muqdisho islamarkaana ay ilaa iminka ay la shireen mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada waxbarashada Dowlada KMG ah iyo maamulka Gobolka Banaadir.

“guud ahaan kulamadii aan madaxda TFG-da qaarkood la qaadanay guul ayay noogu soo dhamaadeen”ayuu yiri Maxamuud Maxamed Idiris oo si weyn u beeniyay warar sheegaya in qaar ka mid ah ardeydii Puntland ee dibada loo qaadayay qaarkood la soo celiyay.

Mas’uulkaani ka scoda Dowlada Puntland ayaa ugu danbeysn sheegay in saacadaha soo socda ay dib ugu laaban doonaan Magaalada Muqdisho markii ay u dhamaadeen inta badan ujeedkii ay Muqdisho u yimaadeen.

Muqdisho-Somalia
allburtinle.com

Readers Comments (0)