News

Wasiir kuxigeenka Amniga ee Soomaaliya oo ka warbixiyey halka ay marayso Xaaladda ee dalka

Wasiir kuxigeenka Amniga Gudaha Dowladda Faderalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa warbixin la jeediyey shirweynaha Wasaaradda Amniga Dowladda Faderalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo garoowe ka furmay.

Wasiirku waxaa uu sheegay in shirkaani muhiimada sarayo sidii loo dardargelin lahaa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ah astaanta qaranka Soomaaliya ,iyadoo uu jiro Mashruuca Tayeynta Ciidanka oo ay Maalgelinayaan Dowladaha GERMANY,UK iyo Hay,adaha Caalamiga ah ee wadashaynta laleh wasaaradda Amniga Soomaaliya,kuwasoo si siman looga wada faaiidaysan doono.

Wasiir Cabdinaasir waxaa uu hoosta ka xariiqay in qorshaha ay ku jirto ka shaqaynta helitaanka Tababar tayeysan ee ciidanka Booliiska lagu gaarsiyo guud ahaan meelaha uu dalka kaga suganyahay,iyadoo la tixgelinayo baahiyaha dowladgoboleedyadda laguna shaqaynayo xogaha saxda ah ee ka Jira baahida ciidanka Booliiska .

Wasiirku waxaa uu xusay in kulliyadda Tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee CARMO la xoojinayo ,iyadoo ay qorshahana ku jiraan dhismaha Xarumo Cusub oo uu yeesho Booliiska Soomaaliyeed,isla markaana waxaa qorshaha dhow ku Jira in sanadka 2018 isbadel dhab ah ay soomaaliya ka gaarto dhismaha Ciidanka Booliiska dhinac kastaba.