News

Wasiir Xoosh oo kulan la qaatay Ururada Bulshada Rayidka ee Moqdishu

Kulan u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Ururada Bulshada Rayidka ee kala ah SOSCENSA iyo PUNSAA ayaa Muqdisho ka dhacay, kulanka ayaa ku saabsanaa warbixin ay Bulshada Rayidka ka dhegaysanayeen Wasaaradda oo ku aadaneyd wadasha qeynta Wasaaradda iyo Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal.

Ururada Bulshada Rayidka ayaa ugu horeyn waxa ay la soo kulmeen Guddiga Labada Aqal iyaga oo ka soo dhegaystay warbixin, kadibna waxa ay kulan la qaateen Wasaaradda si arinta taagan ay Bulshada Rayidka door wanaagsan uga qaataan.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa aad u soo dhaweeyay sida ay Bulshada Rayidka ay isku xil qaameen isaga oo sheegay in ay tahay astaan muujineysa sida dalka Soomaaliya u leeyahay mustaqbal wanaagsan.

“Inaga iyo Bulshada Rayidka sanad ka hor waxa aan ku midoownay ka shaqeynta danta dalka iyo dadka, runtii marqaati ayaad ka tihiin sida ay mar walba nooga go’an tahay in aan wada shqeynta ilaalinno; waa bilow wanaagsan in Bulshada Rayidka ay isku xilqaamaan xalinta arin walba oo taagan waana ififaalo waanaagsan oo muujineysa mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya ay leedahay” ayuu yiri Wasiirka.

Dhankooda Gudoomiyaha SOSCENSA Diini Maxamed Diini iyo Gudoomiyaha PUNSAA Feysal Axmed Warsame ayaa waxa ay Wasaaradda uga mahad celiyeen sidii wanaagsaneyd ee Wasaaradda sanadkii la soo dhaafay ula shaqeysay Bulshada Rayidka, waxa ayna hoosta ka xariiqeen in Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay tahay Wasaaradda ugu wanaagsan hay’adaha dawladda ee wada shaqeyn aad u wanaagsan la leh Ururada Bulshada Rayidka. Labada Gudoomiye waxa ay sheegeen in arinta ka dhex taagan Wasaaradda iyo Gudigga Baarlamaanka ay door wanaagsan ka ciyaari doonaan sidii loo xalin lahaa.

Ugu dambayn, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa soo dhaweeyay wax walba oo xal ah si wada shaqeynta iyo iskuduubnida loo xoojiyo oo hawsha Qaran loogu qabto si hufnaan leh oo waqtiyeysan.