Wasiirka Amnga Puntland oo sheegay in dad hor leh ay u qabteen dilkii Dr. Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxman
December 31, 2011 // diyeeshe // NewsGaroowe (PV):-Wasiirka amniga Dowlada Puntland Gen.Khaliif Ciise Mudan ayaa warfidiyeenka u sheegay inay dad badan u qabqabteen dilkii dhawaan Boosaaso loogu gaystay Alle ha u naxariistee Dr. Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxman.
Gen.Khaliif Ciise Mudan oo saacidihii u danbeeyay la hadlayay warfidyeenka ayaa xusay inay 7 qofood u qabteen dilka sheekhaasi caanka ahaa kuwaasoo xabsi lagu hayo.
“dadaal dheer iyo dabagal lagu hayay ayaa dadkaani lagu qabqabtay waxaana degdeg ugu wareejin doonaa Maxkamada si sharciga loo waafajiyo.”ayuu yiri Wasiirka amniga Gen.Khaliif Ciise Mudan
Wasiirka waxaa kale uu ka dhawaajiyay inay jiraan shaqsiyaad kale oo lagu raadjoogo kuwaasoo uu sheegay in iyagana mar uun la soo qaban doono.
Xafiiska Garoowe
puntlandvoice.com



