Wasiirka Amniga oo Maanta Xilka kala wareegay Wasiirkii hore
July 27, 2011 // admin // NewsGaroowe(AB):-Munaasabad maanta ay xilka ku kala wareegayeen wasiirka cusub ee Wasaarada Amniga Dowlada Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan iyo wasiirkii hore Jen Yuusuf Axmed Kheyr ayaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe Xarunta Puntland.
Labada mas’uul ayaa ka hadlay munaasabada ay xilka ku kala waraagayeen waxaana ugu horeyn hadlay wasiirkii Hore Yuusuf Axmed Kheyre kaasoo daboolka ka qaaday inuu aad ugu faraxsan yahay xil wareejintiisa waxaana uu intaasi ku daray in wasiirka cusub uu helay fursad aanu isaga helin.
Gen.Yuusuf Axmed Khayr waxaa uu tilmaamay in wasiirka cusub uu haysto fursad ah in dhamaan laamaha amniga ay markaan hoostagayaan wasaarada Amniga taasoo aanu helin wasaarada amniga intii uu xilka hayay.
Yuusuf Axmed Kheyr waxaa uu carabka ku adkeeyay inuu la sii shaqeyn doono wasaarada amniga sidii uu hore ugu soo shaqeeyay dowlada Puntland isagoo xilkaasi hayay.
Mar uu ka hadlayay intii uu xilka hayay wixii u qabsoomay ayuu xusay inuu wax badan dhanka amniga ka qabtay,islamarkaana uu sameeyay baro dhanka amniga ah.
Wasiirka cusub Khaliif Ciise Mudan ayaa isna daboolka ka qaaday in mas’uuliyada aduun iyo mida aakhiro ee saaran darteed uu isagu ku dadaali doono sidii wax loo sixi lahaa cid kasta oo wasaarada shaqo ka haysana lala xisaabtami doono.
“xisaabtanka waxaa uu keeni karaa in la is qabto taasina maaha in laga xanaaqo”ayuu yiri Wasiirka cusub
Khaliif Ciise Mudan waxaa uu ka dhawaajiyay in wasaarada uu ku wadi doono dariiqii uu hore u jideeyay wasiirkii ka horeeyay isagoo amaan badan u soo jeediyay.
Xafiiska Garoowe
allburtinle.com



