Wasiirka Amniga Puntland oo ka hadlay heshiiska ay la galeen xoogaga Atam hogaamiyo
July 28, 2011 // admin // NewsGaroowe (AB):-Wasiirka Amniga Dowlada Puntland ayaa markii ugu horeysay warar dheeraad ah saxaafada ka siiyay heshiis maalmahana danbe saxaafadu hadal haysay kaasoo dhexmaray dowlada Puntland xoogaga hubeysan ee uu hogaamiyo wadaad diimeedka Sh.Atam.
Wasiirka amniga Col.Khaliif Ciise Mudan waxaa uu warbahinta u sheegay inuu jiro heshiiskaasi balse uusan ahayn mid lala galay qof gaar ah islamarkaana xiriir la leh Alshabaab,wuxuu tilmaamay inuu mid guud oo lala galay dhalinyarad reer Puntland ee ka dagaalama buuraha Galgala.
“heshiiska waxaan la galnay dadka deegaanka Gal-gala guurtida iyo waxgaradka iyo qofkasta oo reer Puntland ah oo la marin habaabiyey”ayuu yiri Col.Khaliif Ciise oo la hadlayay idaacada BBC-da .
Wasiirka mar uu ka hadlayay hadii ay jiraan heshiis qoraal ah oo labada dhinac ay saxiixeen islamarkaana la fuliyay ayaa carabka ku dhuftay inay jirto heshiis la kala saxiixday kadibna la fuliyay waxaana uu tusaale u soo qaatay inay kula heshiiyeen reer Galgala in loo sii daayo 9 qofood oo dagaaladii dhacay lagu soo qabtay lana sii daayay taa badalkeedana ay galgala ka saaraan dadka meelaha kale kaga yimid .
Warka wasiirka amniga ayaa ku soo aadaya xili shalay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu soo saaray qoraal afka ingriiska ku qoran kaasoo lagu qeexayay heshiiska iyadoo lagu cadeeyay qoraalkaasi in heshiisku ka dhacay deegaanka Af Urur.
Si kastaba wasiirka ayaa warkiisa ku sheegay in heshiiskaasi asalkiisu ka dhasdhay cafiskii dhawaan Madaxweyne Faroole u fidiyay dhalinyarada reer Puntland ee Galgala ka dagaalanta waxaana uu ku celceliyay in cafiska iyo heshiiska aysan wax shaqo ku lahayn dadka dadka xiriirka la leh ururka Alqaacida ama Xarakada Alshabaab sida uu warka u dhigay.
Xafiiska Garoowe
allburtinle.com


