digg icon delicious icon

Wasiirka Amniga Puntland oo ka Hadlay Howlgalada ay Ciidamada Amaanka Puntland ka wadaan Bosaaso

August 31, 2010   //     //   News

BOSAASO (AB):Wasiirka amniga dowlada puntland ee soomaliyeed Yuusuf Axmed Khayr ayaa ka hadlay howlgalada ay maalintii sadexaad ka socda magaalada bosaaso kuwaas oo ay wadaan ciidamada amniga puntland waxaana uu wasiirku sheegay in ay howl galadaas ay wadaan ciidamada amaanka ay yihiin kuwo wax looga qabanayo sidii xal loogu heli lahaa falalka ka dhacaya magaalada xeebata ah ee bosaaso islamarkaana loo soo afjari lahaa cida ka dambaysan falalka amniga wax u dhimaya.

Wasiirka ayaa sheegay in baaritaanadii ay sameeyeen ciidaamada amniga puntland ay ku soo qab qabteen dad badan islamarkaana lagu sameeyey baaritaano kala gadisan hase yeeshee waxaa uu wasiirku xusay in dadkii la soo qab qabtay qaybo ka mida la siidaayey waxaana uu sheegay in ay jiraan dad wali lagu hayo baritaano islamarkaana tuhun looga qabo in ay ka dambeeyaan falalka qorshaysan ee ka dhacaya magaalada bosaaso hase yeeshee lagu samayn doono baritaano.

Hadaba baarigaanadaan ayaa ku soo beegmayaa ka dib markii saraakiil ka tirsan maamulka puntland lagu weeraray guryohoodi halka askar ka tirsana ciidamada qabalka sida ee puntlana lagu dilay bartamaha magaalada bosaaso waxaana iswaydiin mudan baartaanadaani ma yihiin kuwo wax ka badalin doona dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya magaalada bosaaso waxaana uu wasiirku sheegay in saacadaha soo socda ay ku rajo wayn yihiin in ay soo afjaraan.

Dhanka kale wasiirka ayaa ka hadlay xaaladii ugu dambaysan ee galgala waxaana uu wasiirku sheegay in ciidamada puntland ay soo afjari doonaan kooxaha dagaalka kula jira ciidamada puntland ee uu hogaamiyo Maxamed Siciid Attam islamarkaana waxaa uu xusay wasiirku in ay jiraan qaraxyo iyo miinooyin ay kooxahaasi u dhigeen ciidamo ka tirsan ciidamaada puntland kuwaas oo ay ku dhinteen 4 arskari.

Ugu dambayantii wasiirka ayaa shacbaka reer puntland ka codsaday in ay ka shaqeeyaan amaanka iyo xasiloonida puntland waxaana uu intaas sii raaciyey in shacabka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga puntland.

Xafiiska-Garoowe Puntland Somaliya

Siciid Somali

Readers Comments (0)