News

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo ka warbixiyay shirka jaamacadda Carabta

ee Khamiistii la soo gabagabeeyay, wuxuu yiri “Ajandayaasha laga hadlay way badnaayeen illaa sagaal ayay ahaayeen, waxa kamid ahaa horumarinta dalalka Soomaaliya, Suudaan ,Yemen, Liibiya iyo waddamo kale, waxa annaga gaar inoo ahaa inay jaamacadda Carabta xaqiijiso mowqifkeeda ku aaddan arrinta Soomaaliya sida midnimada iyo Qarannimadda umadda Soomaaliyeed iyo in aysan jiri karin shirkad ajnabi ah iyo dalal shisheeye oo arrimaha Soomaaliya soo fara geliya, shirkad aan dowladda Soomaaliya ka haysan oggolaash marna kama shaqayn karto Soomaaliya.”