Dhacdooyinka Puntland

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Dalka Denmark loogu sameeay Xaflad sagootin ah+Sawiro

Copenhegan(AB):- Wasiirka Caafimaadka Dowlada Puntland Dr.Cali Cabdullahi Warsame oo booqasho ku joogay Denmark lana kulmay masuuliyiin ka tirsan Dowlada Denmark iyo jaaliayada Puntland ee Dalkaasi ayaa iminka soo afjarey safarkiisii.

Wasiirka ayaa xaflad sagooyin ah loogu sameeyay Magaalada Copenhegan iyadoo durba la shaaciyay inuu u gudbi doono Dalka Sweden magaalada madaxdiisa Stockholm  halkaasoo uu sidoo kale kula kulmi doono madaxda dalkaasi iyo jaaliyada Puntland.

Habeenkii Axada ayaa la sheegay inuu u dhoofay dalka Swden markaaso xaflad sagootin ah loogu sameeyay caasimada Denmark ee Copenhegan.

Xafiiska Garoowe
allburtinle.com