Wasiirka cusub ee Duulista hawada Puntland oo xilka kala wareegay mas'uulkii ka horeeyay
January 31, 2011 // admin // NewsGaroowe (AB):-Wasiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay wasaarada duulista hawada iy garoomada Dowlada Puntland Mr.Cali Axmed Gamuute ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay magaalada garoowe wasiirkii isaga ka horeeyay Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash)
labada mas’uul ayaa ku kala wareegay xafiiska wasaaradaasi duulista waxana ka hadlay xaflada xil wareejinta labada mas’uul xilka isku kala wareejiyeen.
wasiirkii hore ayaa soo dhaweeyay wasiirka cusub wuxuuna muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay xilkiisii lagu badalow asiirka cusub Mr.Cali Axmed Gamuute.
“ilaa 2 sano ayaan xilka soo hayay wax badana waan qabanay hadana waxaan ku wareejinay xilkaasi wasiirka cusub ee dhawaan la soo magacaabay”ayuu yiri Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash) oo ah wasiirkii hore ee wasaarada Duulista hawada iyo garoomada Dowlad Goboleedka Puntland.
Sidoo kale wasiirka cusub Cali Axmed Gamuute ayaa isna aad u amaanay sida sharafta leh ee xilka loogu wareejiyay wuxuu sidoo kale amaanay qaabka wasiirkii hore uu u hormarshay wasaarada duulista hawada iyo haroomada.
Xil isku wareejinta ayaa daba socota markii 2 maalin ka hor madaxweynaha puntland uu isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada waxaana xusid mudan in wasiirkaani cusub uu hore u ahaa wasiir ku xigeenkii waxbarashada puntland.
Garoowe-nugaal
allburtinle.com



Assc.
Axmad Cilmi Cismaan (wasiirkii hore) ee duulista aad iyo aad buu ugu mhadsan yahay sida fiican ee uu xilka ugu wareejiyey wasiirka cusub ee isaga badalay.Sidaasuna waxay matalaysaa isku kalsoonida iyo hagaajinta nidaamka dawladnimo.Insha Allaah waxaan ka rajeynayaa wasiirka cusub in uu qaban doono hawlo wada muhiima.
Waayeel.
W S C