digg icon delicious icon

Wasiirka Dekadaha Puntland oo Magaalada London kaga qeybgalay shir burcad badeeda looga hadlayay.

October 30, 2010   //     //   News

London (AB):-Kulan looga hadlayay burcad badeeda Soomaalida islamarkaana dalal dunida isaga yimid ay ka qeybgleen ayaa ka dhacay magaalada London ee Dalka Ingriiska.

Wasiirka Dekadaha oo ku hadlayay magaca Dowlada Puntland ayaa sharaxaad dheer ka siiyay ka soo qeybgalayaashii shirka sida ay maamul ahaan ula dagaalameen kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee ku sii xoogeyseyneysa bada Soomaaliya.

Siciid Maxamed Raage wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda oo ka hadlayay kulankaasi waxyaabihii la iskula soo qaaday ayaa sheegay in qodobo dhowr ah ay ka soo baxeen sida inaan wax madax furasho ah la siin kooxaha burcad badeeda marka ay qabsadaan markab.

Wasiirka iyo wadiga la socda waxaa lagu wadaa inay u sii talaabaan dalka Denmark halkaasoo dhawaan uu ka furmi doono kulan ay soo qaban qaabiyeen Qaramada Midoobey iyo Dowlada Dermank kaasoo looga hadlayo isla arimaha burcad badeeda gaar ahaan sidii loo heli lahaa loona dayac tiri lahaa xabsiyo lagu hayo burcad badeeda marka la qabto.

Kulanka oo ka dhacaya Magaalada Copenhagen ee Dalka Denmark ayaa kulankaasi kadib waxaa lagu wadaa in wafdiga Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda Mr.Siciid Maxamed Raage ay dalka dib ugu soo laabtaan kadibna faahfaahinka socdaalkooda.

allburtinle.com
Xafiiska Muqdisho
diyeeshe15@hotmail.com

Readers Comments (1)

  1. Hor u kac Allah idin gaarsiiyo iyo sharaf
    an laga soo dhicin ,towfiiq iyo talasan dhasheenu ka habaabin Allah idin siiyo