News

Wasiirka duulista hawada soomaaliya oo Kulan la qaatay shirkadaha Diyaaradaha Dalka

Wasiirka Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa kulan la qaatay madaxda shirkaddaha diyaaradaha ee dalka, kulanka wuxuu ka dambeeyay cabashooyin ay wasaaradda u gudbiyeen dadweynaha oo ka cabannaya shirkaddaha diyaaradaha dalka, waxaana maamullayasha shirkaddaha ay wasaaraddu siisey amar haddii ay jabiyaan ay ganax la kulmi karaan, qodobbada lugu amray shirkaddaha diyaaradaha ayaa ah: –

1- Rakaabka Diyaaraddaha waddanka gudihiisa ama dibaddiisa aadaya Garoonka waa inay soo galaan saddex saac ka hor inta aysan diyaaradda kicin.

2- Rakaabka lama soo galin karo garoonka mudda ka badan saddex saacadood inta aysan diyaaradda kicin .

3- Diyaarad rakaabkii sugayay oo garoonka joogo lagama kireyn karo qolo kale, iyada oo laga tagayo rakaabkii diyaaradda oo ku sugan gudaha garoonka.

4 Dhammaan diyaaradaha waxaa la faraya inay soo gudbiyaan jadwalkooda duulimaadyada ee billa ah.

Wasiir Oomaar oo ka hadlay ganaxa ay shirkaddaha la kulmi karaan haddii ay jabiyaan amarka wasaaradda wuxuu yiri “Ciddii jabisaa amarrada aan soo saarnay marka koowaad waxa ay mutaysan doontaa ganaax laba kun oo dolar ah, marka labaad shirkadii jabisaa waxay mutaysan doontaa ganaax 2 kun oo doollar iyo toddobo maalin oo shaqa ka joojin ah, marka saddexaad ciddii jabisaa amarkaana waxaan ku ganaaxi doonaa laba kun oo doollar iyo inaan kala noqono ruqsada shaqo oo ay duulimaad uga sameyn karaan dalka.”

Docda kale, guddoomiyaha ururka ay ku midaysan yihiin shirkaddaha diyaaradaha Xasan Xaashi Muxamad ayaa markii u shirkadda soo dhammaaday isagoo la hadlay warbaahinta wuxuu yiri “Kulankaan oo isku keen yeeray Wasiirka waxbadan ayaan isla meel dhignay oo aan ka doodnay oo ay ka mid aheyd caqabadaha ku yimaada duulimaadyada iyo in si sax ah aan uga wada hadalno.”