digg icon delicious icon

Wasiirka iskaashiga caalamiga Dalka Britain oo Garoowe kula kulmay Madaxweyne xigeenka Puntland iyo socdaal u ku tagay dhowr xarumood +SAWIRO

January 30, 2012   //     //   News

Garoowe (PV):-Wasiirka iskaashiga caalamiga Dalka Britain Anderw Mitchell oo Maanta soo gaaray Magaalada Garowe ayaa saacidihii ugu danbeeyay waxaa uu kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland gaar ahaan Madaxweyne xigeenka Dowlada Puntland C/samad Cali shire.

Jen.C/samad Cali shire iyo Anderw Mitchell ayaa ka wada hadlay xaalada guud ahaan dalka sida hirgelinta heshiiskii roadmap-ka,shirka london lagu qaban doono bisha febraayo dhamaadkeeda iyo waliba xiriirka Puntland iyo Britain marka lee eego taageerada Dowlada Puntland ka hesho Dalka Britain.

Sidoo kale wafdiga Anderw Mitchell oo uu ka mid ahaa ergeyga Dalka Britain ugu qaabilsan arimaha Soomaaliya waxaa ay booqdeen dhowr xarumood oo ay ka mid yihiin Isbitaalka guud ee Magaalada Garoowe,Xabsiga iyo Xarunta Cilmibaaarista BDRC meelahaasoo ay warbixino kaga dhageysteen madaxda halkaasi ka howlgasha.

Wasiirka iskaashiga caalamiga Dalka Britain Anderw Mitchell oo booqashadiisa kadib la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in madaxda Dowlada Puntland uu kala hadlay arimo ay ka mid yihiin taageerada Dowlada Britain ugu talo gashay Puntland iyo sidoo kale waxaa uu sheegay inay isla soo qaadeen heshiiski roadmap-ka iyo shirka london lagu qaban doono dhawaan.

Madaxweyne xigeenka Puntland ayaa isna sidaas oo kale u sheegay warbaahinta kadib kulanka labada dhinac iyo booqashada wafdiga ka socda dowlada Britain ay maanta ku tageen dhowr xarumood oo ku yaal magaalada Garoowe ee xarunta dalka brtian.

Anderw Mitchell oo sidoo kale ka hadlayay shirka london ka dhici doona ayaa xusay in shirkaasi uu dhici doono islamarkaana dhinacyada soomaalida ay ka qeybqaadaan doonaan isagoo tilmaamay in puntland qeyb ka tahay dhinacyada shirkaasi ka qeybgeli doona.

Inkastoo ajandaha shirka aysan Dowlada Ingriiska si rasmi ah u soo bandhigin hadana wararka maalmahaan danbe ku soo badanaya warbaahinta soomaalida ayaa lagu sheegay in shirkaasi noqon doono mid lagu shaacin doono in Soomaaliya la gelin doono maxmiyad 3 sano ah marka uu dhamaado waqtiga u dhiman dowlada shariif ee hada jirta.

Xafiiska Garoowe
puntlandvoice.com

 

Hadaba daawo sawirada wafdiga

 

 

Readers Comments (0)