digg icon delicious icon

Wasiirka ka tirsan Puntland Gudoomiyaha Gobolka Bari oo Maanta qarax Miino lala eegtay

December 31, 2011   //     //   News

 

Boosaaso(PV):- Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowlada Puntland ayaa maanta lagu weeraray qarax miino nuuca meelaha fog fog laga hago xili ay labada mas’uul isla socdeen gudaha magaalo xeebeedka ganacsiga ku caanbaxay ee Boosaaso.

 

Labada Mas’uul oo kala ah Wasiirka Maaliyada Dowlada Puntland Faarax Cali Shire iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa wararka aan heleyno waxay xaqiijinayaan inay ka bad baadeen qaraxaasi maanta lala doonayay in lagu qaarajiyo.

 

Miinada ayaa la sheegay inay qarxday wax yar kadib markii baabuur ay wateen labadaani mas’uul iyo ilaaladoodu ay mareen wadada mana jirto cid wax ku noqotay qaraxa miinadaasi oo lala rabay labada mas’uul oo la sheegay inay u wada socdeen hoga Wasiirka oo Boosaaso ku yaal.

 

Ciidamada Boliiska Boosaaso ayaa durba halkii qaraxu ka dhacay iyo nawaaxigeeda waxaa ay ka bilaabeen baaritaano lagu baadi goobayo dadkii ka danbeeyay qaraxaasi lala doonayay in lagu dhibaateeyo wasiirka iyo gudoomiyaha Gobolka Bari.

 

Qaraxa maanta waxaa uu qeyb ka ahaa qorshayaal kooxo aan la aqoon ay inta badan ku bartilmaameedsadaan madaxda Puntland inkastoo magaalada Boosaaso aaney ku badnen dhacdooyinka ceynkaasi oo kale ah.

 

Boosaaso-Bari
puntlandvoice.com

Readers Comments (0)