News

Wasiiru-Dowlihii Amniga Koonfur Galbeed iyo Xildhibaan Hishabeelle ka tirsan oo Qarax Lagu dilay

.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa tuulooyinka Doonka iyo Buulalow ee u dhaxeeya Wanlaweyn iyo Afgooye. waxaana wararka hadda la helaayo ay sheegayan in qaraxa ay ku dhinteen mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiiru-dowlihii Amniga maamulka koonfur galbeed C/Qaadir Cabdirraxmaan cali “Baraf” iyo Xildhibaan lagu magacaabo Axmed Cabdi Faarax (Kabaweyne) oo ka tirsanaa baarlamaanka hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxa ay ku dhinteen ilaaladii la socotay mas’uuliyiinta qaraxa lala eegtay waxaana tirada guud ee qaraxa ku dhimatay ay ka badanyihiin 5 ruux oo isugu jira mas’uuliyiin iyo ciidamo.

Masuuliyiintan oo markii hore dhinaca dhulka kaga safray Muqdisho ayaa ku biiray wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aaden oo maanta tagay garoonka Belidogle ee gobolka Shabeelaha Hoose oo saldhig u ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, iyo saraakiil Mareykanka ah oo ka taageera dhinaca howl-gallada, Waxaana qaraxa uu haleelay markii ay kulankaasi Belidogle ka soo noqdeen iyagoo ku sii jeeday Muqdisho.